“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka.” Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia
Muqdisho (Hubaal) Aqalka hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala noqday Xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayey Xasan Cali Khayre, kaddib fadhi shalay uu golahaasi yeeshay. Xil ka qaadista Xukuumadda, ayaa dibada soo dhigtay khilaaf u dhexeeyey Madaxweynaha iyo reysalwasaare Khayre. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa sheegay in 170 xidlhibaan u cadeeyeen kalsooni kala noqoshada Xukuumadda.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka ay xilka kaaga qadeen ra’iisal wasaare xasan cali Kheyre.
“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu si degdeg ah usoo magacaabi doono “Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah”
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre “hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay” wanaagsan. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaadh ah.
“Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed”, ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.