London(Hubaal) Xukumada Siilaanyo oo 18 MAY Sanadkan Qaranka Galisay Khasaare Lacageed Xili Ay Wadada Ceerigaabo u Raadinayso Lacag Ay Muwaadiniinta Weydiinayso Isku eeg qaabkii sanadkii 2011-kii 18 May ay u xustay xukumada Siilaayo, sidoo kalena isku eeg qaabka ay u xusi jireaan xukumadihii ka horeeyey tan Siilaanyo ee xusbiga Kulmiye.
Waxa kuu soo baxaysa xisaab badan oo qarankan laga luminayo, isla markaana aan loo aabo yeelayn.
Tusaale ahaan haddii aynu eegno lacagta ay xukumada Siilaanyo ku bixinayso shaqsiyaadka ay dibada u soo dirtay ee ay ku sheegayso in ay jaaliyadaha kala qaybgalayaan xafladaha kala duwan ee 18 May ee wadamada Qurbaha, sida ta London, Washington DC, Frankfurt iyo meelo kale, waxa aad la yaabaysaa sida ay isku qabanayso kharashka lagu bixinayo socdaalka dadkan tirada badan iyo raadinta lacag laga helo xafladaha 18 May ee ay xubno xukumadu soo dirtay ay tagaan Aynu eegno wasiirada xukumada ee dalka dibada uga soo dhoofay.
Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa isaga iyo xubno uu wato oo ay kujiro nin weriye ahaan loo kaxeeyay oo ay isku beelyihiin iyo xubno kale oo ku weheliya socdaalkooda la qiyaasayaa in ay ku baxayso ugu yaraan lacag dhan $20,000 (labaatan kun) iyagoo magaalada Washington DC jooga, sida weriyayaasha lasocdaa
sheegeen waxa uu waftigan dhanka kararan tagi doonaa ilaa 4 magaalo oo kale oo Maraykan ah iyo dalka Canada.
Socdaalka Xirsi ma aha mid muhiim ah, waase tamashlaynta cusub ee xukumada Siilaanyo soo kordhisay. Sida ilo ku dhadhow wasiirka Arimaha dibada oo isaguna jooga UK ay sheegayaan Maxamed Biixi Yoonis ma ah wax wasiir ahaan lagala tashaday, markii uu soo jeediyeyna in aan sidaa dibada loogu wada bixina looma joojin.
Waxa aynu qiyaas ahaan haynaa $20, 000 Xirsi iyo wiilka u wariyaha ah la socda ku baxaysa.
Dalka UK waxa yimid wafti ka badan 6 qof ilaa hadda oo ay ku jiraan wasiirka wasaarada warfaafinta C/laahi Cukuse, Duqa magaalada Ceerigaabo, xildhibaan dhawaan taageeray Siilaanyo oo UDUB ka soo baxay iyo xoghayn ka mid ah kuwa madaxtooyada ka hawlgal iyo wasiirka arimaha dibada, marka la isku daro waxa la qiyaasayaa in ay ku baxayso lacag ka badan ugu yaraan $30,000 (Sodon Kun oo Dollar) waayo waxa ay dagayaan huteelo iyo casuumadao ay iyagu isku qabaan.
Dalka UK waxa Qaranka kaga baxaysa $30,000. Sidoo kale xukumad Siilaanyo waxa ay dibada u soo dirtay wafti yimid dalka Germany, siiba magaalada Franfurt. Waxa halkaa yimid wasiirka beeraha, Mr. Geedoole, waxaana ku wehliya laba xidhibaan oo xukumada Siilaanyo xalaal iyo xaaraan, xaqdaro iyo si kastaba ku taageera oo aad looga jecel yahay madaxtooyada, waana xildhibaan Cali Mareexaan iyo Xildhibaan Waabeeye iyo xubno kale.
Iyagana waxa la qiyaasay in ay ku baxayso ugu yaranaan ilaa $35,000 (Shan iyo sodan Kun oo Dollar) Haddaa waa marka halka ugu hoosaysa laga soo qabto. Waayo Frankfurt oo kaliya kuma eekaanayaan 18 May kadib, waxa ay dagayaan Huteelo magaalooyinka ka baxasan oo ay socdaal dalxiis iyo magaca ku bararaarujin wadada Ceerigaabo oo bulshadu isku si u wada arag ay ku soo maraan.
Germany waxa lagu baabiinayaa $30, 000. Intan kuma eeka xisaabtu waase qiyaas aynu si guud mar ah u soo qaadanay, hase ahaatee waxa iyana ku jirin kharashka fanaaniinta UK iyo meelo kale laga kaxeeyey ee loogu talo galay in ay habeenkaas 18 May madaxtooyada ka heesaan
Isku geyn waxa la qiyaasayaa in ay qasnada Qaranka uu ka fasaxo wasiirka Maaliyada ee inoo sheega in uu hadntida qaranka inoo dhowro lacag lagu qiyaasay in kabadan $400,000 – afar boqol oo kun oo lagu sadqeyo magaca 18 May, iyadoo dhanka kale caruurta dugsiyada Somaliland, siiba kuwa gobolada galbeed badi laga guro lacagta yar ee nusasaacahooda.
Su’aashu waxa ay tahay lacagta ay xukumada Siilaanyo doonayso in ay xafladaha 18 May ee London iyo magaalooyinka kale ee la sheegay in wixii lacag ka soo baxda lagu caawin doono wadada Ceerigaabo ma ka soo bixi kartaa lacag ka badan tan ay kharashgaraynayso? Su’aasha jawaabteedu wey muuqataa, sidoo kalena gudida xaflada ugu weyn ee London waxay qiyaaseen in ayna lacag sidaa u badani ka soo baxayn, ee ay abaal ku qabaan haddii ay is bixiso! Haddaba sidee ayey isku qabanaysaa in bulshada lagu dawikhiyo in la yidhaa umada lacagteeda ayaa loo madhxinayaa, haddana xukumada Siilaanyo ay daadaadiso, iyadoo socdaalo aan muhiim ahayn u diraysa shaqsiyaad si gaar ah ula haya xukumada? Waxa wax lala yaabo ah sida aanay xukumada Siilaanyo u qiimayn hanaanka ay ku xusto 18 May ilaa sanadkii hore oo ay bilowday nidaamkan khariban ee xoolihii umada lagu tamashlaynayo.
Gabagabdii haddii xukumada Siilaanyo hayso war ka duwan kan ha inoo sheegto kharashka ku baxay socdaalada shaqsiyaadka aan ognahay ee tirade beelay ee dibada u soo baxay iyo inta lacag laga helo axafladaha kooban ee Cerigaabo lacagta loogu gurayo.