Hargeysa(Hubaal) Xoghayaha dalxiiska xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Mubaarik Cabdi Xasan (Buuni), ayaa si adag xukuumadda ugu dhaliilay in aanay haba-yaraate lahayn qorshe ah oo uga meel yaala horumarinta goobaha dalxiiska, waxa kale oo uu xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey in aanay waxba ka qaban duurjoogtii dalka oo muddooyinkii danbe si aada loo dabar-jaraayey isaga oo carabka ku dhuftay in si toos ah garoomada iyo dekadda Barberaba loogga dhoofiyo.
Md.Mubaarik Buuni, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in ay ayaan darro tahay in xiliyada xagaaga ee ay dalka dib ugu soo noqdaan qurba-joog badan ay waayaan goobo muhiim ah oo dalka kaga soo dalxiisaan isaga oo sheegay in ay taa bedelkeeda ay aadaan wadamo kale oo ay kaga baxdo dhaqaale aad u badan.
“Xukuumadda Siilaanyo hada mudadii ay jirtay, waxay ku guuldaraysatay in ay qorshe cad u samayso horumarinta goobaha dalxiiska Somaliland, ayaan darrada jirta, waxa weeye dal dhan oo leh intaa soo goobood oo dalxiis soona jiidan kara indhaha bulshada caalamka oo sannad walba dhaqaale aad u badanina innaga so galikaro, sida oo kalena kaqeyb-qaadan karta shaqo abuurka in hadana aan xukuumaddu mar qudha niyada u siidayn sidii loo daryeeli lahaa una horumarin lahayd goobaha dalxiiska. Hada oo aynu ku jirno wakhtigii xagaaga oo ah xiliyada ay dad badan oo qurba-joog reer Somaliland iyo dad kaleba isagu jiray ay dalka yimaadaan, balse ceebta jirta waxa weeye halkii dadkaas immanaaya looggu jeedin lahaa loona soo dalxiis geyn lahaa goobaha dalxiiska inta la horumariyo ayaanay maalina xukuumaddu ku fekerin arrintaas, waxay ahayd in ugu yaraan hal goob dalxiiseed ay xukuumaddu isku hawsho oo ay sifiican u daryeesho si looggu dalxiis tago, iyada oo aan aad uga xumahay in dadkeena oo niyada kuhaya, jecelna in ay dalkooda u soo dalxiisaan ay hadana sannad walba ka waayaan meelo ay u soo dalxiisaan, taa bedelkeedana ay u dalxiisaan dalal kale oo ka hela dhaqaale aan la xadidi Karin.”.Ayuu yidhi Md.Mubaarik Cabdu Xasan(Buuni).
Xoghayaha dalxiiska xisbiga Waddani Mubaarik Buuni oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay dabar-goyn uu sheegay in muddooyinkii danbe lagu hayey duurjoogta kala duwan ee dalka, isaga oo tibaaxay in si sharci darro ah loogga dhoofiyo dalka.
“Waxa kale oo ceeb iyo ayaan darraba innagu ah, iyada oo dalka dhanba ay yar tahay duur-joogta ku sugan, ay hadana iyaduna aanay helin daryeel joogta ah, waxaan runtii maalin walba dalka si joogta ah looga dhoofiyaa si sharci darro ah, waxaana cad in maalin walba la dabar-goynaayo duurjoogteenii yarayd, iyada oo xukuumadduna aanay jirin haba-yaraatee wax tallaabo ah oo ay ka qaado arrimahaas”.Ayuu yidhi Mubaarik Cabdi Xasan.