Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In Wakiillo U Joogaan Hargeysa Iyo Jawaabta Dawlada Somaliland

0
88

 “Wakiilo noo shaqeeya ayaa noo joogo (Hargeysa),” dawladda Soomaaliya

“Anagu cid aanu ognahay oo sharci naga haysata oo shaqadaasi qabataa ma jirto” Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

Hargeysa,  (Hubaal)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosta Soomaaliya ayaa sheegtay inay Somaliland u joogaan wakiilo ay ku soo hagaajiyaan waraaqa Boosta ah ee loo soo dirto,isla markaana si toos ah hawsha Boosuhu uga hirgaleen Hargeysa.

Agaasimaha Axmed Xaaji Cabdi, ayaa  ku faannay in Boostii Soomaaliya si fiican uga hirgashay Somaliland, isla markaana shaqaale warbixinada waraaqa usoo gudbiyaa joogaan.

 “Boosta waan ka hirgalinay Hargeysa iyo Garoowe, waxaana ku tallo jirna in aanu gaadhsiino Kismaayo iyo Baydhabo, laakiin qof kasta oo soomaaliya haddii uu waraaq soo diro way imanaysaa dalka, waraaqaha u badnaa waxay ka yimaadeen Hay’adaha kuwaas ayaana Hargeysa u dirnaa”ayuu yidhi agaasimaha Boosta iyo isgaadhsiinta Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi oo u waramayey telefishanka Qaranka Soomaaliya.

Agaasimuhu hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hargeysa Wakiilo noo shaqeeya ayaa jira oo waraaqaha toos loogu geeyo, waxaana rabnaa in goboladda oo dhan wada gaadhsiino, marka Muqdisho laga yimaado maamulka Somaliland si toos ah ayey u tagaan iyo maamulka Puntland maamulada kalena waanu gaadhsiin doonnaa, maamulka Jubana waanu geyni doonaa oo waraaqo noo yaalla”.

Mar la waydiiyey qaabka uu Somaliland ku gaadhsiiyo waxa uu yidhi “Wakiilo noo shaqeeya ayaa noo joogo (Hargeysa) oo diyaaraddaanu ku geynaa,marka ay waraaquhu yimaadaan  inta Hargeysa ku socota inta aanu miisaano ayaanu hubinaa oo xogna kala hadhno ayaanu  u dirnaa Hargeysa iyo hadba meeshii la geynayo, iiyaguna (wakiilada) warbixin ayey noo soo diraan inta u hadhay iyo inta ay bixiyeen ee ay dadkii lahaa gaadhsiiyeen imika si fiican ayey u socotaa ”

Dhinaca kale, wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegay in aanay jirin cid ka socota Soomaaliya oo ay u ogolaadeen inay ka shaqeeyaan Somaliland, isla markaana aanay jirin wada shaqayn ka dhexeysa Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in furaha Somaliland ee Numbaradda si dhakhso ah u bedeli doonaan, inkastoo uu hoosta ka xariiqay inay isku qadiyad yihiin ictiraafka Somaliland iyo furaha cusub ee Somaliland loo samaynayo.

Sidaasna waxa uu ka sheegay waraysi uu xalay khadka Telefoonka ku siiyey wargeyska Saxafi oo uu kaga hadlayey hadal ka soo yeedhay Dawladda Soomaaliya oo sheegay inay wakiilo u qaabilsan Boosta Soomaaliya u joogaan Somaliland.

Picture2Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosta Maxamed Jaamac Abgaal oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo kala duwan, Somaliland waa dal gooniya oo leh xuduudiisa, inaguna sideedda ayaanu ku ixtiraamayna inaguna dalkeena ha inagu ixtiraamaan,  wax heshiish ah oo aanu wada galnay ama u ogolaanay inay wakiil ku yeeshaan halkan ma jirto, Soomaaliya wada shaqayn way na dhex mari kartaa laaakin ila maanta wax noocaas ah oo sharciyan na dhex martay, wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta dadka reer Somaliland ee hawlaha doonaya ayaanu sharci siinaa, marka ay tahay wadan kale la iska odhan maayo dad baa noo joogga mana suurogalayso ”

Mar  aanu waydiinay inuu warkaasi beeninayo iyo in kale waxa uu yidhi  “Anagu cid aanu ognahay oo sharcigan naga haysta oo shaqadaasi qabana ma jiro ”ayuu yidh

Mar kale oo aanu waydiinay sabab ilaa hadda u shaqayn laayahay Boosta Somaliland oo uu hore u shaaciyey inay bilaabmi doonaan “Boostii waanu bilaabaynayaa horana waan u sheegay waana xilka aan hayo, wasaaraduna waxay ku bilaabanta Boosta, isgaadhsiintuna way dambaysa, dabcan shaqo socota oo aan bilaabay ma jirto,oo sababtu waxa weeyi hore ayaanay u jirin oo waa wax la doonayey in aan bilaabo oo sida aan umadda ugu sheegay sharciyan tahay in aan bilaabo, marka nidaamyadeedii iyo shaqadeedii ayey inyar noo dhiman yahay iyo goboladda sidii mar kaliya loo wada gaadhi lahaa, hawshaasi waxaan rajaynaa in aanay su’aal dambe saxaafaddu iga waydiin doonin, ma bilowday iyo ma bilaabi doonta aan layga waydiin, insha alla hadalkaygan (waraysigan) ka ku xigaa in iyadoo shaqaynaysa ummada hor keeni doonno”

Sidoo kale, waxaanu waydiinay halka ay ku dambaysay furihii cusub ee Somaliland la doonayey in lagu soo gallo si looga guuro faraha Soomaaliya ee (252), waxaanu yidhi  “hawshaasi dad khuburo ah ayaanu u dirsanay, dabcan haa waxay la mid tahay oo ma fududa oo ictiraafka Somaliland oo kale ayey la mid tahay, meel wanaagsan ayey ii maraysa,  xafladahan 26 june ayaa iga soo dhexgallee waxaan doonayey in aan ku dhawaaqo waxaana ilaahay ka rajaynaya oo kalsooni buuxda ku qabaa inay hawshaasi degdeg u bilaabmi doonaan, oo aynu ka maarmi doonaano erayadan cid kasta iska isticmaalayso ee soomaaliya iskaga hadlayso inay dhinac igaga dhici doonto .”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here