“Waxaanu Arkaynaa In Laga Soo Horjeedo In Dawlad Islaam Ahi Ay Noqoto Dimuquraadi Dadkeeda Caddaalad Ku Xukunta”
Hargeysa (Hubaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa cambaaraysay Inqilaab Kooxo Millateriga Turkiga ka tirsani ku doonayeen inay ku afgembiyaan dowladda waddanka Turkiga Cawayskii dambe ee habeen hore oo ahayd Jimce Sabti soo galayso, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno weheliya. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka xun yihiin isku-daygaas afgembi ee sharci-darrada ah oo Shacabka dalkaasi fashiliyey. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire, oo gelinkii hore ee shalay warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Somaliland ay ka xuntahay Inqilaabka Dhicisoobay ee ay isku dayeen qaarka mida ciidamada Milateriga Turkigu inay kursiga kaga tuuraan madaxwayne Erdogan. “Waanu ka xunnahay inqilaabka ay sameeyeen ciidamada Milateriga Turkigu waanu cambaareynaynaa Falkaasi lagu Inqilaabayay dawlada ay soo doorteen shacabku, isla markaana waxaanu doonaynaa inaanu halkan tacsi uga dirno dadkii ehelkoodu uu halkaa ku geeriyooday”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire, waxaana uu intaa ku daray isaga oo ka hadlay xaallada uu ku sugan yahay madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay ee safarka ku joogay wadanka Turkiga, “Waxaan halkan ka cadaynayaa in madaxweynaheenu uu nabad qabo, Inqilaabkiina wuu dhicisoobay, oo dawladda ayaa gacanta ku haysa xukunkii, bernaamijkiisiina waxba iskamay bedelin, markaa waxaan dadka leeyahay ku niyad samaada, madaxweynaheennii wuu nabad qabaa waana uu wanaagsan yahay”. Ayuu yidhi wasiirku.
Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay isku daygii inqilaabka dhicisoobay ee koox ciidamadda dalka Turkiga ka tuirsani ay habeen hore isku dayeen in lagu af gembiyo xukuumadda Ordugan, “Waxaam jecellaha madaxweynihii Turkiga oo ka bedbaaday inqilaab waxaan hambalyaynayaa shacbiga Turkiga oo dhiig ku bedbaadiyey dumuqraadiyadooda iyo nabadgelyadooda. Waxaanu arkaynaa in laga soo horjeedo In Dawlad Islaam ahi ay noqoto Dawlad dimuquraadi ah oo dadkeeda caddaalad u xukunta” sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe