Wasiirka Maaliyadda Oo Faahfaahiyay Waxyaabihii Ay Ka Wadahadleen Guddida Dabagalka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiillada
Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, hadalkii guddoomiyaha guddida dabagalka hantida qaranka ee Golaha wakiillada, ee ku saabsanaa lacag dhan $ 80 Milyan oo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay deyn ahaan ugala wareegtay xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo.
Dr. Sacad Cali Shire oo shalay warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa, ayaa sheegay inaan wax deyn ah oo xukuumaddii hore lagala wareegay jirin, isla markaana hadalka xildhibaan Mahdi Buubaa ku sheegay sideetanka milyan uu ahaa mid aan jirin. “Lacagtaasi ma jirto umana qiran.” Ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire
Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay guddida dabagalka hantida qaranka kawada hadleen, waxaanu xusay inaanay habayaraatee jirin arrimo deynta la hadalyo la xidhiidhay oo ay meesha isku weydaarsadeen.
“Guddidu ayaa noo yeedhay oo na marti qaaday, waxaanan ka wadahadlaynay arrimo la xidhiidha maareynta deynta, diiwaangelinta hantida, maareynta miisaaniyadda waaxyaheeda iyo arrimo noocaas ah. Waanu isla garanay, se markii aannu saxaafadda u soo baxnay oo ahayd inaanu intaasi uun ka sheegno, ayaa xildhibaanku runtii uu ku daray waxyaabo aanaan ka wadahadlin oo aan jirin, waxyaabaha aan jirin eek u darayna waxa ka mida, deyntaa 80-ka milyan. Runtiina waxa iska diiday inaan fagaare ku yooyootano, anigu waxaan sheegay wax jira balse isagu wuxuu sheegay tiro, tiradaasuna sax ma ahayn.” Ayuu yidhi