Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay guddi ka socda hay’adaha ammaanka u saartay baadhista warar warbaahinta Maraykanku ku sheegeen in dagaalyahanno tiro badan oo ka tirsan Al-qaacida ku dhex dhuunteen qaxootiga Yemen ee gaadhay dekedaha magaalooyinka Berbera (Somaliland) iyo Boosaaso oo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ah.
Sidaa waxa ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay.
Wasiir Warancadde waxa uu sheegay inuu xaqiiq noqon karo warka saxaafadda Maraykanka laga soo xigtay, sidaa darteedna ay xukuumad ahaan baadhista arrintaas u xilsaareen guddi ka kooban hay’adaha ammaanka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Maraykanku waa dawlad weyn, wax badan bay la socon karaan, inagu waxaynu soo dhawaynay dadka xabaddu eryanayso ee Yemen ee islaamka ah, walaalahana aynu nahay, laakiin waa wax macquul ah in lagu soo dhex dhuunto, arrintaana waxa aannu u saarnay guddi ciidammada nabadgelyada ah oo ku xeel-dheer sida loo baadho argagixisada iyo dadka dambiilayaasha ah, waxa aannu u socona in aannu ka hortagno oo aannu helno wixii ku jira, diyaar baanay dawladdu u tahay, waxyaabaha aan ka digayana way ka mid tahay in laga faa’iidaysto fadqalalaha dhexdeena ah oo la ina gaadhsiiyo wax ka weyn amma dhibaato ka badan ta aynu maanta ka hadlayno, waana waxyaabaha aan u diidanahay mudaharaadka, waana waxyaabaha aan u diidanahay in fidno inaga fog aan dhexdeena ka bilawno, cida bilawday baana iska leh masuuliyadeeda.,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xukuumad ahaan sida ay u arkaan warka Maraykanku ku sheegay in illaa 600 dagaalyahan oo Al-qaacida ka tirsan ku dhex dhuunteen qaxootiga ka cararay dagaallada Yemen ee ka degay dekedaha Berbera iyo Boosaaso, kuwaas oo doonaya inay ku biiraan kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.
jamhuuriya