Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay joojin doonto wada-hadallada kala dhexeeya Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay inaanay madaxda Soomaaliya diyaar u ahayn inay midho dhalaan wada-hadalladu.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamud ayaa wareysi uu siiyey VOA kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ethiopia iyo dekedda Zaylac, Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland iyo doodii dhawaan uu Baarlamanka UK ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.
Weriyaha VOA Khadar Cakulle ayaa weydiiyey wasiirka wadahadalladii Somaliland iyo Somalia.
“Wadahadalladaasi waxay soo bilaabmeen 2012-kii ilaa hadda wax midho dhal ah kamay soo bixin shirarkii badnaa ee dalalka duwan lagu qabtay. Waanu joojinaynaa wadahadalladaa kol haddii aanay qolada Somalia aanay doiyaar u ahayn in laga gun gaadho, wax aqoonsi ah oo Somalia jamhuuriyadda Somaliland u haysaa ma jirto, haddaba 30 sano ayaanu madax bannaanayn.” Ayuu yidhi wasiirku