Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dad Laga Tarxiilay Madaarka Hargeysa, Una Jawaabtay GAAFOW-ga Xamar

0
19

“Waxaanu Dalkayaga Ka Celinay Dad Bilaa Sharci Ah”- Taliyaha Laanta Socdaalka

Hargeysa  (Hubaal )  Taliyaha laanta socdaalka Somaliland gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ka hadlay dad ka yimid magaalada Muqdisho oo dib looga celiyay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in shan ka mid ah dadkaasi aanay sidan aqoosi cadaynaya ujeedada safarkooda.

ina cambaroGaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Somaaliya ay kala yihiin laba dal oo kala duwan, waxaanu tilmaamay in Somaliland lagu soo geli karo Baasaboor sharci ah. “Wey jiraan dad aanu ka celinay madaarka Cigaal, 45 qof ah ayay ahaayeen oo ka soo degay madaarka Hargeysa ka dib markii aanu baadhnay 40 ka mid ahi waxay siteen docment lagu socdaalo ama lagu gudbo, 5 qof oo dadkaas ka mid ah may haysan aqoonsi ama docmenti lagu safro, sidaa darteed ayaanu uga celinay madaarka ka dib markii aanu ka weynay wax Docmenti ah oo ay ugu kala safraan labada dal ee Somaliland iyo Somaaliya, waxaanu u sheegaynaa laanta socdaalka Somaaliya in aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo isku safra si sharci ah. Sidoo kale dadka ka yimaada Itoobiya ama dalalka kale wixii aan fiise sharci ah sidan ama ogolaasho waanu celinaa, waxaanu noola mid yahay dalka Somaaliya dalalka aanu jaarka nahay.” Ayuu yidhi Taliyaha laanta socdaalka Somaliland. Taliyaha laanta socdaalka  Somaliland waxa uu intaas ku daray “Waxaanu kaga jawaabnay taasu ma jirto, laakiin anagu waxaanu dalkayaga ka celinay dad bilaa astaan ah oo Gaafow (Taliyaha laanta socdaalka) Somaaliya ma cadaynayo in qofkani inuu yahay Somalilander ama Somaaliya, waayo  Docmentiba ma haysto sharci ah markaa haddaanu Somaliland nahay wax sharci sita ama docment xaqiiq ah oo la taaban karo in naloola yimaado, laakiin, siyaasadayaduna waxay tahay waxaan Baasaboor sharci ah aan sidan in aanan soo daynin.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here