Hargeysa(Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay weerar ay maleeshiyaadka Puntland ku soo qaadeen xalay jiida hore ee ciidammada qaranka ee ku sugan Tukaraq, waxaanay ku eedeyaysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in aanay fulin go’aamadii beesha caalamku soo jeedisay.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Md. Maxamed Muuse Abees oo maanta shir jaar’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa faahfaahiyey dagaalkaas “Waxaan iskugu kiin yeedhnay inaanu idin siino war la xidhiidha dhacdo yar oo xalay abaaro 9:00 cawaysnimo ka dhacday fadhiisinka hore ee ciidammada qaranka Somaliland degan yihiin ee Tuka-raq ayey maleeshiyaadda Puntland ay ku soo qaadeen weerar ku dhufoo ka dhaqaaq ah. ciidanka soo weeraray waxay siteen hub casri ah oo uu ka mid ahaa qalabka habeenkii lagu galo dagaalka ee la xidho iyo hub kale oo loogu talogalay in lagula dagaalamo argagixisadda ayey isticmaalayeen,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland.
DAAWO: