Hargaysa (Hubaal)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay ka hadashay dil naxdil badnaa oo dhawaan Nin shacab ahi Gudaha Hargeysa ugu geystay Ciidamto Boolis ah oo warqad soo waaran soo qabasho ah loogu soo dhiibay. Wasiir-ku-xigeenka dhinaca Maamulka ee Arrimaha Gudaha Axmed Cadarre oo warbaahinta kula Hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa dilkaas ku sheegay mid nasiib darro oo aan geli Karin maskaxda dadka Muwaadiniinta ah. Wasiir Cadarre, ayaa shacabka uga digay inay qariyaan dadka gacan-ku-dhiiglayaasha ah, waxana uu usoo jeediyey inay Ciidamada gacan ku siiyaan sidii loosoo qaban lahaa cidkasta oo dil geysata. Wasiirka Ayaa Si Adag u cadeeyay in Ay gacanta dhawaan ku soo dhigi Doonaan Danbiilayaashii Falalka ka gaystay Qorilugud,Laascaanood iyo Hargaysa waxaana uu yidhi.“Waxa ayaan daro Ah in shacabkii somaliland ee Ciidanku Difacayeen Xabad ladhacaan Ciidanka u Adeegayay,waxaana ay ahayd ayaan daro,waxaanan leeyahay ilaahay Samir iyo iimaan haynagaa siiyo.Gacan ku dhiiglihii waa lagu daba jiraa,siday u dhacday iyo siday noqoto isku mid may noqon,arrin loo yeedhayay ayay ahayd nasiib daro waxa ay isku badashay fal fool xun qadarkuna intaas ayuu ka qornaa” ayuu yidhi Wasiir Cadarre. Mudane cadarre oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu intaas ku daray, “waxaanu shacabka somaliland baaq ugu diraynaa gacan ku dhiiglayaasha ku kaca fal noocan oo kale ah in ay ciidanka gacan ku siiyaan sidii loo qaban lahaa,qofka qariyaana ka danbi xun yahay ka danbiga sameeyay,waxaanu leenahay ciidanka hala caawiyo amnigeena ayay ku xidhan tahay.” Hadalkan ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee dhinaca maamulka somaliland Axmed Cadarre ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xili maalmo kahor uu nin shacab ahi toogasho ku dilay askari boolis ah, isla-markaana midkale dhaawacay, waxana wali aan gacanta lagu soo dhigin gacan-ku-dhiiglihii dilkaas loo tirinayey.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dil Saamayn Reebay Oo Dhawaan Ka Dhacay...