Hargaysa (Hubaal): Xukuumadda Somaliland ayaa ka tacsiyadaysay dawladda Kenya weerarkii ay Khamiistii doraad kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacadda magaaladda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri ee dalka Kenya, weerarkaasi lagu qaaday Jaamacadda oo ay ku dhinteen 147 qof kuna dhaawacmeen 80 qof oo ay Sheegteen AL-SHABAAB.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay u waramay DAWAN, ayaa sheegay in ay dawladda Kenya, madaxweynaha, shacabka Kenya iyo ehelada dadkii weerarkaasi ku geeriyooday ay ka tacsiyadaynayaan falkaasi waxshinimadda ah ee lagu laayay ardayda aan waxba galabsan.
“Xukuumadda Somaliland waxay ka tacsiyadaynaysaa dawladda Kenya Madaxweynaha, baarlamaanka, shacabka reer Kenya iyo eheladda dadkii ku dhintay weerarkii Khamiistii doraad lagu qaaday Jaamacadda magaaladda Geerisa ee gobolka Waqooyi barri Kenya ee ay Soomaalidu degto, waxaananu leenahay aad iyo aad ayaanu uga xunahay falkaasi lagu laayay dadka aan waxba galabsan, ee rayidka ahaa, oo iyagu arday Jaamacadda waxbarasho ku jiray ahaa.
Waanu ka tacsiyadaynaynaa Kenya dhibaatadaasi loo geystay, waxaanu ahaa weerar lagu bartilmaameedsaday goob waxbarasho, eheladii iyo qaraabada ay ka baxeen dadkii halkaasi lagu laayay waxaanu leenahay waanu idinka tacsiyadeynaynaa dhibtaas idin soo gaadhay dadkii ku dhaawacmayna waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ayaa bogaadisay madaxweynaha cusub ee ee dalka Nigeria Mohamedu Buhari, oo ku guulaystay doorashaddii totobaadkii hore dalkaasi ka dhacday. “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Mohamadu Buhari, guusha uu ka gaadhay doorashaddii todobaadkii hore ka dhacday dalkaasi, aad iyo aad ayaanu ugu hambalyaynaynaa, xukuumad ahaan, waananu ku faraxsanahay sida wanaagsan ee ay doorashadaasi u dhacday. Waxa kale oo aan isna ku bogaadinayaa Madaxweynihii hore God Luck Jonathon sida qiimaha iyo sharafta leh ee uu u aqbalay natiijadii doorashadda ka soo baxday ee uu qiray in laga adkaaday.Waan ku taageerayaa sida uu u aqbalay waanan soo dhawaynaynaa Madaxweynaha cusub guusha uu ka gaadhay doorashadaasi,”ayuu yidhi Wasiirku.
Maxamed Biixi, oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanay arrintaasi muujinaysaa bisayl siyaasadeed iyo tallaabo horumar ah oo ay Nigeria madaxdeeda iyo shacabkeeduba ay hore u qaadeen, waana mid ku dayasho mudan. waana mid loo baahan yahay in wadamadda Afrika ay ku daydaan. waxaanay muujinaysaa horumar ay Nigeria iyo dalalka kale ee Afrika ka gaadheen xagga dimuqraadiyadda, waana talaabo horumar ah oo loo qaaday dhinaca dimuqraadiyadda iyo nidaamka ah in doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacday, si nabadgelyo ah ay xukunka laba madaxweyne isku bedelayaan.”