Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Shidaalkii Ugu Horreeyey Dalka Laga Qodi Doono Dhowaan

0
22

Hargeysa (Hubaal) Saraakiil khubaro ah oo ka socota shirkadda Genel Energy oo dhowaan qodaalkii shidaalka ka bilaabaysa Somaliland ayaa Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta la wadaagay qorshayaasha hawleed ee ay shirkaddu samaysay ee la xidhiidha qodaalka shidaalka.

Qorshayaasha ay shirkaddu soo bandhigtay, ayaa waxaa ka mid ahaa qaabka farsamo ee qodaalka ceelka, arimaha uga qorshaysan xaga fayo-qabka, caafimaadka iyo dhawridda deegaanka, xagga hab-raacyada sharci ee ku wajahan adeegyada, iibka iyo qandaraasyada.

Waxaa sidoo kale wasaaradda iyo shirkaddu wada qorshaynayaan arimaha la xidhiidha amaanka, wacyigelinta iyo kaabayaasha sahlaya qodista ceelka.

Bandhigan iyo wadaxaajoodkan wasaaradda iyo shirkadda ayaa qaatay mudo labo maalmood ah, wuxuuna ka mid yahay kulano iyo bandhigyo is dabojoog ah oo shirkadda iyo wasaaradda ku qorshaynyaan qodaalka ceelka shidaalka, kaas oo noqon doona qodaalkii ugu horeeyey ee Somaliland ka hirgala mudo 32 sano ah

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here