Xukuumadda Somaliland Oo Ku Hanjabtay in Weftiga Xisbiga WADDANI Ee Socdaalka Ku Tegey Kenya Ay Xabsiga Dhigi Doonto Markay Soo Laabtaan

0
29

“Nimankaasi Mucaarid Maaha Ee Waa Qaran Dumis, Mar Horena Waxaanu Ku Haynaa Khalad Dastuurkeenna Ka Hor Imanaysa”

++++++++++

“Haddii Aanu [Cirro] Maanta Ahaan Lahayn Guddoomiyihii Baarlamaanka Annagu Waanu Xidhi Lahayn, Waayo Socdaalkiisu Waa Inqilaab”

++++

“Cabdiraxmaannoow   Waxaan Moodaayay In Waagii Aad Ruushka Joogtay Aad Dublamaasiyadda Baratay, Laakiin Hadda waxaa ii muuqatay in  aanad waxba   baran, ee rabshada Dalka Ka Joogi Waayo…”

prof-Maxamed-Mixile-Boqore

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku hanjabtay in ay xabsiga dhigi doonto wefti la sheegay in ay beesha caalamka metelayaanoo xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI shaaciyey in uu dalka keenayo. Weftigan oo kamid ah hay’ado iyo dalal caalamka ka tirsan oo Wefti uu hogaaminayo musharraxa xisbiga WADDANI oo socdaal ku jooga wadanka Kenya kulamo kula qaatay halkaasi ayaa xukuumadda Somaliland waxaa ay si adagugaga hadashay ujeedada weftigaas iyo weedho uu hoggaamiyaha weftigu ku duray iyada lafteeda. Wasiiru dawladaha wasaaradda arrimaha dibada Somaliland oo arrimahan ka hadlay ayaa gebi ahaanba xaaraantinimeeyey in xisbi mucaarid ahi uu ku doodo in uu beesha caalamka la kulmo isaga oo metelaya dal ay xukuumad dhexe kataliso, waxaa sidoo kale uu wasiirku kajawaabay eedo la xidhiidha abaarta oo ay u soojeediyeen xukuumadda.  “ Ninkii jiray waxa uu yidhi; ‘Maba lullatee maxay leeftaa’. Ma dawlad iyagu [weftiga WADDA NI] waayo way khaldanyihiin”. Sidaas ayuu yidhi Md. Maxamed Mixille Boqorre, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee JSL oo maalintii shalay xafiiskiisa xog-warran khaas ah kusiiyey weriye Bedri Koosaar Maxamuud oo bahda telefishanka STAR ka tirsan. Wasiiru, dawluhu waxaa uu intaa ku daray  isaga oo ka jawaabaya hadallo ay xubnaha weftiga WADDANI ku dureen xukuumadda oo ku saabsan gurmadka abaaraha iyo xidhiidhka ay somaliland caalamka la leedahay “ Dawladdu way ka shaqaysaa abaaraha, horena way uga shaqaysay, immikana way ka shaqaysaa oo mashquul bay meel walba ku tahay, hay’adaha caalamiga ah oo dhan iyo dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha oo dhanna qoraal baanu gaadhsiinay waxna way nasoo gaadheen waxna waysoo socdaan. Laakiin qoladani [weftiga WADDANI sharciba uma laha in ay arrimaha dibeda faro geliyaan,  malaha  nimankan siyaasiyiinta iska dhigayaa  siyaasadda ayaanay fahamsanayne  horta waxaa fiican inay noo yimaadaan aanu xidhiidhada dublamaasiyadeed [Diplomatic relation] barno’e.” ayuu yidhi Wasiir Mixille. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu wasiirku ku dooday in aanay haba yaraatee meelina uga banaannayn mucaaridka inay farogeliyaan siyaasadda arrimaha dibada eexukuumadda “  Ninka Xisbi mucaarid ah ee leh anigaa la kulmay hay’adihii caalamka, marka hore muxuu hayaa oo uu leefi. Kiriteeriyada uu kula kulmayaa waa maxay. Markaa nimankaasi way khaldan yihiin oo waa qaran dumis ee mucaarad maaha. Sidaasna waxaanu u aragnaa inay qaranka wax yeellaynayaan, mar horena waanu ku  haynaa khadad qaran-dumisnimo ah oo  dastuurkeenna ka hor imanaya. Markaas dee beenta sidaas looma sheegee sug maalintaada”. Ayuu Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadu yidhi.

Geesta kale waxaa ay xukuumadda Somaliland  ee uu Wasiirkan ka tirsan yahay ay socdaalka weftiga WADDANI muddooyinkii u dembeeyey ku joogeen wadanka Kiiniya ay ku tilmaamtay afgembi siyaasadeed,  hase yeeshee Weriye Bedri Koosaar oo Wasiir Mixille wax ka weydiiyey sababta ay arrintaasi uga didsan tahay xukuumaddu maadaama oo uu weftiga Nairobi ku sugan hoggaaminayo guddoomiyihii golaha wakiillada Somaliland oo ah masuulka saddexaad ee maamuuska qaranka leh. “horta waa runtaa oo golaha sharci dejinta guddoomiye ayuu u yahay [Mr. Cirro) laakiin immika xilkii sharci dejinta kuma socdo ee waxaa uu ku joogaa inqilaab uu dalka inqilaabayo. Mar horena waxaajirtay in [musharraxa WADDANI] uu nin iska magacawday uu yidhi Waa safiir, taasina waa khalad oo safiir lama magacawdo ee wakiil xisbi baa uu magacaaban karaa, maalintaas waxaanu nidhi iska dhaafa waxba ha ka jawaabina’e oo xagga baarlamaanka ayaanu kaeegnay laakiin ta Arrintani  [socdaalkoodu] waa dembigii labaad, annaguna ka  gabban mayno  maanta oo haddii uu halkan [Somaliland] yimaado isaga oo Wefti Wata uu leeyahay waa beeshii caalamka oo aan la kulmay, waxaanu hay’adaha [ku shaqada leh] u sheegaynaa inaanay dalka iman Karin illaa ay naga helaan sharci ay dalka ku soo galaan”.  “Weftiga beesha caalamka ee la leeyahay Dalka ayay keenayaan, haddaan annaga nala ogaysiin waayo wasaaradda arrimaha dibada ayaa ku shaqo leh wax alla wixii caalamka ka imanaya ee soodagaya inaanu  albaabka u  joogsanno. Haddii ay sharci dawladeed ku socdaan uun bay iman karaan, haddii kale ma iman karaan oo nin aan wasaaradda khaarijiga soo marinni ma iman karo dalka oo waa mamnuuc”. Ayuu Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Mixille Boqorre ku hanjabay.

Gebogabadii Wasiiru-dawlaha wasaaradda Khaarijigu waxaa uu si gaar ah ula hadlay hoggaamiyaha Weftiga  WADDANI ahna musharraxa xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, “ Waxaan leeyahay Cabdiraxmaannoow ninweyn baad tahay oo waxaan moodaayay waagii aad xaggaas Ruushka joogtay inaad dublamaasiyadda aad u soo baratay, laakiin hadda waxaa ii muuqatay in berigaas aanad waxba aad u baran ee waxaanu ku leennahay annaga qolada xidhiidhka caalamiga taqaanna ku barayna ee xukuumaddana ha khalkhalinin,  ummadda Somaliland-na ha khalkhalinin, waayo xukuumad baa dalka ka jirta ee haddii aad maanta daba socon weydo adiga yaa ku daba socon haddii aad berry [doorashada] hesho.Waar ka jooji dhibaatada iyo rabshada aad dalka ku hayso ayaan ku leeyahay guddoomiyihii Baarlamaankaad tahaye  sharciga ha jebinin.  Haddii aanad maanta guddoomiyihii Baarlamaanka ahaan lahayn xukuumad ahaan annagu waanu xidhi lahaynba”. Ayuu hadalkiisa kusoo gunaannaday Wasiiru-dawluhu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here