Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horeysay Faahfaahisay Howl-gallada Ka Socda Bariga Somaliland Iyo Sababta Keentay Dhaqdhaqaaqyo Ay Ciidanka Qaranku Dhawaan Sameeyeen

0
30

Ku Simaha Wasiirka Amuuraha Gudaha Ahna Wasiir-ku-xigeenka Amniga Oo Arrintan Ka Warramay

 “Meelaha Xadka Ku Dhaw Qolo Khaatumo Ah Oo Xabbado Ka Rid-ridday Waa La Sheegayey, [Laakiin] Dawladdu Hawsheedii Waa Gudatay Intii (Ciidankii) Joogtay Mooyaane In Kalena Waa Ku Darnay”.amniga

 Hargeysa (Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada qaranka ee Jiidda Barigu dhawaan  ku gaadheen Deegaanka Go’daale ee gobolka  Xaysimo, waxana ay xaqiisay inay ciidamadu hore uga guureen goobihii hore ee ay ku sugnayeen. Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, ahna ku-simaha  Wasiirka Md Maxamed Muuse Diiriye oo  saxaafadda qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay  in ciidamda qaranka  halkaas la geeyey, isagoo ujeeddada ku sheegay inay ka hortegayeen fadqalalo kooxo  hubaysani oo kasoo horjeeda baadhis shidaal oo Somaliland halkaas ka bilowday,“way jiraan in diyaaradihii sahaminta waday ay meeshaas  tageen, waana sahamin guud uune  ma aha batrol imika la baadhayo, ciidankeenu markii horena way joogeen imikana ciidan siyaado ah baa ku ruqaansaday,” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Maleeshiyo hubaysan oo kooxda Khaatumo-seeg katirsani Ciidamo ka tirsani halkaas rasaas ka rideen, isagoo tilmaamay in haatan ammaanku sugan yahay, waxana uu yidhi,“Meelaha xadka ku dhaw dhaw waa la sheegayey qolo khaatumo ah oo xabbado ka rid-ridday, sidaad darteed dawladdu hawsheedii waa gudatay intii joogtay mooyaane in kalena waa ku darnay, ammaankuna waa sugan yahay. Dhulkaasina waa dhul Somaliland oo muran kuma jirto, marmarka qaarkoodna tuug waa kusoo dhuuman karaa”.  Wasiirku waxa uu sheegay in dadka ciidamadii halkaasi tegay soo dhaweyn ballaadhan halkaas kala kulmeen, isla-markaana dadkoodii Reer Somaliland iyo dhulkoodii tageen,“Dadka halkaasi kuwa ugu jecel inuu ciidanku soo gaadho ayey ahaayeen, ciidankana sidii laascaanood iyo gambadhaba loogu soo dhaweeyey  ayuun baa ciidanka halkaas loogu soo dhaweeyey, maamulka fidintiisiina waa wadnaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here