Xukuumadda Somaliland Oo Mowqif Cad Iska Taagtey Go’aanka Soomaaliya Ka Qaadatay Danjire Nicholas Haysom

0
11

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay Go’aanka Soomaaliya Ka Qaadatay Danjire Nicholas Haysom, isla markaana aanu Somaliland khusaynin go’aankaasi. Sidaasna waxa lagu sheegay War qoraalka ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

Dawlada Jamhuuriyada Somaliland waxay u cadaynasaa  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  iyo Beesha Caalamka intaba in ay ka xuntahay go’aanka Soomaaliya ka qaadatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Mudane  Nicholas Haysom.

Dawlada Jamhuuriyada Somaliland iyadoo tixgelinaysa iskaashiga  iyo taageerada dhanka horumarka iyo bani’aadamnimada  ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa  waxay  ku war-galinaysaa  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  in go’aankaasi aanu khusayn Somaliland, isla markaana ay dawladda Somaliland si buuxda ula shaqaynayso Jimciyada quruumaha ka dhexaysa iyo laamaheeda kala duwan.

Dawlada Somaliland waxay ku bogaadinaysaa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Hayson in uu mudadii uu joogay xafiiska uu dedaal xoog leh u galay nabadaynta Soomaaliya dhexdeeda iyo xal-uraadinta khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayn, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aaminsantahay in go’aankan ka dhanka ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka xeel dheer yahay waxa lagu sababeeyay, isla markaana uu ka dhalan karo cawaaqib xumo mustaqbalka.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here