Hargeysa (Hubaal) Xukumadda Somaliland, ayaa sheegtay in la rajaynayo in wareegga labaad ee horyaalka ciyaaraha gobolada la qaban doono horraanta sanadka 2016-ka, wakhtigaasi oo la filayo in iskuulladu fasax noqon doonaan. Dhawaaqa xukumadda ayaa ka dambeeyay iyadoo maalmihii la soo dhaafay xukumaddu xulalkii gobolada ee tartanka u soo baxay ay ku wargalisay inay gobolladooda ku noqdaan inta war dambe ka soo baxayo wasaaradda ciyaaraha. Qabsoomid la’aanta ciyaaraha waxaa isku casilay wasiirkii wasaaradda Axmed Cabdi Kaahin. “Waxay kolay baryahan saxaafaddu is waydiinaysay oo ay ahayd in la soo saaro maxaa lala qabanayaa ciyaaraha gobolada qaybtii dambe ee loo bilaabi la’yahay. Maalintii Axmed (Wasiirkii) xilka ka tagay kadib annaga iyo wasiirro kale oo madaxweynuhu u saaray markii aanu tashi badan galay oo qiimaynay sidii loo bilaabi lahaa tartanka qaybta hadhay waxaanu ogaanay in ciyaartoyga wakhti badani kaga lumay maadaama aanu ciyaaraha qabanay wakhti iskuullada la dhiganayay oo halkaan khalad farsamo anga dhacay. Markaa, maadaama dugsiyaddii socdaan waxaanu dib u dhignay ciyaarihii waxaana la qaban doonaa sidaanu qorshaynay fasaxa yar ee iskuullada oo ku beegan bisha koowaad,” ayuu yidhi Yuusuf Cismaan Garas, wasiir xigeenkii wasaaradda ciyaaraha oo Arbacadii xilka wareejiyay. Waxa uu sidoo kale masuuliyiinta wasaaradda u soo jeediyay in xilli ciyaareedyada lagu beego fasaxyada iskuullada. Waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda ciyaaraha siyaasaddeeda guud ee ciyaaraha qaranku aanay dejisnayn loona baahan yahay in la hirgaliyo. Tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo wajigiisii hore bishii dhammaatay ka qabsoomay Burco iyo Boorama ayaa 8 gobol iskugu soo hadheen, waxaana qorshuhu ahaa in marka wareegga koowaad dhammaado kan labaad laga bilaabo Hargeysa, balse arrimo la xidhiidha dhaqaale ayaa la sheegay inay u hirgali waayeen, kuwaasi oo sababay in wasiirkii ciyaaruhu si cadho leh iskaga casilo xilkaasi, intaa kadibna ciyaartoyga lagu celiyo gobolladoodii.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Xukuumadda Somaliland Oo Sababaysay Dib U Dhaca Wareegii 2aad Ee Tartanka Ciyaaraha...