“Cid Aan Ogolaansho Ka Haysan Jamhuuriyadda Somaliland Ma Isticmaali Karaan, Mana Mari Karaan Hawada Jamhuuriyadda Somaliland”
“Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka ka dhexeeya JSL iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu isugu yimaadeen shir ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka, waxana ka soo baxay go’aamadan:……….”
Hargeysa (Hubaal):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland oo Sabtidii shalay yeeshay Shir aan caadi ahayn oo uu guddoominayey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa go’aamiyey inay Somaliland taageerto go’aanka ay Sucuudiga iyo Waddamada Khaliijka qaarkood ku gedoomiyeen dawladda Qadar Isniintii toddobaadkii hore.
Shirkaas aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Somaliland yeesheen oo ay Albaabbadu u xidhnaayeen markii uu soo dhammaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay inay Somaliland go’aansatay inay taageerto go’aanka dalalka Carabta intooda badani xidhiidhka ugu jareen Qadar ee ay kaga xidheen Xuduudaha Badda, Dhulka iyo Cirka, isla markaana xidhiidhka Dublamaasiyadeed iyo Xidhiidhada kaleba ugu jireen dawladdaas oo ay ku eedeeyeen inay maalgeliso Ururro Xag-jir ah. Qoraal kooban oo uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ku saxeexnaa oo Warbaahinta loo kala diray oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL, waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada. Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta [shalay] oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn, kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso. Sidaa darteed, waxa ka soo baxay Golaha Wasiirrada go’aamadan:-
- in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
- Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
- Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad leh.”