AKHRI: Wasiirka Ganacsiga oo warkan shaaciyey saacado kadib markii ay DP World la wareegtay Maamulka Dekedda Berbera
Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay saami ku leedahay maalgashiga dekedda Berbera ee xukuumadda Siilaanyo iyo shirkadda laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka carabta ee DP World ay wada galeen. Wasiirka Ganacsiga oo u waramay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya ay 19% ku leedahay mashruuca maalgashiga dekedda Berbera. Waxaanu hadalkiisu ku soo beegmay, iyadoo ay shalay shirkadda DP World si rasmi ah ula wareegtay maamulka marsada Berbera oo madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyay Guddoomiyaha shirkadaas Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem xaflad lagu qabtay xarunta dekedda Berbera. Waxa xafladan ka hadlay Wasiirul-dawlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr. Abdissa Tedisa.Heshiiska Somaliland iyo DP World, wadagaleen oo qaadan soconaya muddo 25 sannadood ah, waxa ku baxaya dhaqaale lagu qiyaasay $442 Milyan. Waxaa masuuliyiinta Somaliland sheegeen inuu yahay maalgashigii ugu weynaa ee Somaliland kasbato rubuq-qarnigii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya, bishii May sannadkii 1991-kii.