“Annaga iyo u tudhniinka dawladda la weydiin maayee isaga (Suldaanka) shaqsi ahaan hadday dani ugu jirto inuu dawlad dhan iyo maamul dhan muhalakad la galana ahlan wasahlan isagay la jirtaa taasi…”
“Ciidanka Qaranku waa Jundullaahigaa, meeshii Alla meeshii hawli ka gashana way tagayaan, Meelaha ay tageenna ilaa maanta meel laga soo cawday ama dhaqan xumi ama tacaddi kale oo ay….” Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami
Hargeysa-(Hubaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inaanay wakhti u hayn wadahadal toos ah oo ay la gasho ama la furto Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka Awdal, isla markaana toddobaadkii hore shaaciyey in badi dadka uu Madax-dhaqameedkooda ka tirsan yahay ee reer Awdal ka goosteen Somaliland, samayn doonaanna Maamul ka madax-bannaan Somaliland oo Soomaaliya hoos-taga sida uu ku dooday.
CADAMIWasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Wasiirrada ah ee Madaxweynuhu dhawr bilood ka hor u xil-saaray ka soo talo-bixinta tabashada Madaxda Dhaqanka gobolka Awdal ay u soo gudbiyeen, sidoo kalena Madaxweynuhu u diray dejinta xiisadda uu abuuray hadalka Suldaan Abibakar Cilmi Wabar ku sheegay toddobaadkii hore inay reer Awdal ka go’ayaan Somaliland, ayaa sheegay inaanay wax wadahadal ama wada xaajood ah la samaynin Suldaanka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Caddami oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, ayaa sheegay inaanay arrinta ugu weyn ee ay u tageen gobolka Awdal ahayn ta Suldaanka oo keliya, balse ay ujeeddadoodu ahayd inay Shacabka faraha badan la hadlaan oo dejiyaan. Hase-yeeshee, ay jiraan dad iyaga uga faro-dhuudhuuban oo hawsha lahadalka Suldaanka ku jira.
In aan xiisadda taagan oo uu cudur ugu yeedhay aan la buunbuunin ama inteeda laga naaxnaaxin ayuu dadweynaha iyo Saxaafadda u soo jeediyey Wasiir Cadami, waxaanu yidhi; “Cudurka la weynaynayaa maaha mid dadku u dhan yahay ee waa mid Shakhsiyaad ku kooban ee maaha Cudur fiday, waxaana fiican in dhibaato walba intii la naaxin lahaa ama la buunbuunin lahaa loo daayo cabbirka ay leedahay.”
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Cadami waxa uu sheegay in Ciidanka Qaranku meel kasta oo hawli ka gasho ay tegayaan oo aanay jirin meel ay ka caaggan yihiin inay tagaan oo dalka ka mid ah, hadalkan oo u muuqday mid uu kaga jawaabayey baaqyo la xidhiidha in dib loo soo qaado ama laga dul-qaado Shacabka Ciidammo ay dawladdu geysay gobolka Awdal dhawaaqii Suldaan Wabar ka dib.
“Ciidanka Qaranku waa Jundullaahigaa, meeshii Alla meeshii hawli ka gashana way tagayaan, Meelaha ay tageenna ilaa maanta meel laga soo cawday ama dhaqan xumi ama tacaddi kale ay ka sameeyeen ma jirto. Baal dahab ah ayay Qaranka Somaliland kaga qoran yihiin,meelkasta oo qaranku uga baahdana way tagayaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Wasiir Cadami oo su’aal laga weydiiyey inay Xukuumad ahaan iyo xubno ahaan ay wax wadahadal ah illaa hadda la fureen Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo ku dhawaaqay inay Somaliland ka go’een dadka reer Awdal oo uu sheegay inuu hormuud u yahay, oo uu Wasiirkuna sheegay inuu Ciidan ku urursaday deegaannada xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu ku jawaabay Cadami oo yidhi; “Suldaanka wax weyn baa noo dhexeeya annaga, Suldaan aannu annagu u tagaynaana ma jiro, ee waxaannu la shirnay Dadweynaha iyo Madax-dhaqameedka deegaanka, waxaanay muujiyeen wanaag, dedaalna way wadaan, waanay soo afjarmaysaa oo laba bari (cisho) qaadan mayso sida aan anigu xogogaal u ahayna inta hadhay si dhakhso ah ayay u dhammaanayaan oo wanaag iyo is afgarad bay ku dhamaanayaan.”
Waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo yidhi; “Dadka deegaankaas degaana diyaar uma aha wax khalkhal geliya Nabadgalyadooda, wada-shaqayntoodii, tacliintoodii iyo Jaamacadahoodii, Caafimaadkoodii oo ay gobollo badanna kaga horumareen. Rag maanta dib u noqonaya oo waxyaabihii dad badan wakhtigu kaga lumay maaha oo Cudurradaas mar dambe saadsanaya. Markaa, Ninka hadda mandaqaddaba aan joogin annaga wadahadal toos ah wakhtigu nooma saamaxayo inaannu la galno.”
“Laakiin, dad nooga faro dhuudhuuban ayaannu u dirnay oo mar iyo lababa way is arkeen, farriintii ugu dambaysay baa laga soo qaadayaa, annaga iyo u tudhniinka dawladda la weydiin maayee isaga shaqsi ahaan hadday dani ugu jirto inuu dawlad dhan iyo maamul dhan muhalakad la galana ahlan wasahlan isagay la jirtaa taasi, hadduu damco inuu dhulkiisaa nabadda ah iyo dalkiisii ka biyo-cabbana isagay la jirtaa. Laakiin, annagu wax werwer ah oo aannu qabnaana hadda ma jiro, Shaqadu si fiican bay noogu bilaabantay, si fiican baanay noogu bilaabantay, si wanaagsan baanay noogu dhammaanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Geesta kale, Suldaaddiinta Beelaha gobolka Awdal oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas, ayaa Shacabka reer Awdal Dhalinyaro iyo Waayeel-ba ugu baaqay inay nabadgelyadooda ilaashadaan, isla markaana aanay isku dayin wax wax u dhimi kara degganaansha, kuwaasoo ballan-qaaday inay ka shaqaynayaan dejinta xiisadda Suldaan Wabar iyo soo afjaridda cadhadiisa.
Waxay Salaaddiintu sheegeen inay wadahadal la wadaan Suldaan Abibakar Cilmi Wabar, isla markaana ay Xukuumadda ka dalbanayaan inay faraha uga qaaddo oo ay ka war-sugnto inay dhammaynayaan hawshaas ee ay war buuxa uga keenayaan, iyagoo sidoo kale Xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay Ciidammada ka dul-qaaddo goobaha Shacabka ee aanay hadda ka hor joogi jirin ama lagu arki jirin, iyaguna ay hadda yihiin cidda ay ku ogtahay Xukuumaddu soo dhammaynta arrinta Suldaanka, dhakhsana u dhammayn doonaan sida ay ku rejo-weyn yihiin.
Himilomedia.com