HALKAN KA DAAWO: Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Xawaaladaha Uu Maraykanku Xayiray
Hargeysa (Hubaal) Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cabdi Dirir Cabdi ayaa Xogwaran uu maanta siiyay Warbaahinta Waxa uu ku sharaxay Habsami u socodka hawlaha shaqo ee baanka iyo xayiraada ay dowladda Maraykanku saartay xawaaladaha ay Soomaalidu lacagaha isu soo marin jirtay gaar ahaan saamaynta ay ku leedahay Somaliland.
Guddoomiyaha Baanka waxa uu sheegay inay warqad u qoreen dowladda Maraykanka taas oo ay ku dalbanayaan in lacagaha ay muwaadiniinta joogta dalka maraykanku u soo diraan dadka reer Somaliland loo soo daayo,waxaana uu isagoo ka hadlaya arrinta xayiraada xawaaladaha uu yidhi “Waraaqo ayaanu qornay anagu haddii aanu baanka nahay,madaxweynuhuna wuu saxeexay,kuwaas oo aanu u dirnay safiirka Nayroobi u fadhiya Maraykanka iyo wasiirka maaliyadda Maraykanka,taas oo aanu kaga dalbanayno in muwaadiniinta reer Somaliland ee maraykanka lacagaha ka soo diraya ee dalka Somaliland u soo diraya loo soo daayo lacagahaas”
DAAWO MUUQAALKA WARKAN