Xukuumadda Somaliland oo si rasmi ah Maanta u xidhay Xuduudka ay la leedahay Jabuuti

0
28

Hargeysa(Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa saaka si rasmi ah u xidhay xuduudka ay la leedahay Jabuuti, iyadoo ku sababaysay sugida Amaanka, waxaanay sheegtay in aanay ka soo gali Karin kana gudbi Karin Dad iyo Baabuur sharci darro ahi.

Badhasaabka Gobolka Salel, Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland iyo saraakiil kale oo ku sugan magaaladda Lawyacdo ee Xuduudka Somaliland ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa magaaladaasi, waxaanay saaka ku dhawaaqeen in ay xidheen xuduudka Somaliland.

Breaking_news

Dawladda Jabuuti ayaa hore u xidhatay Xuduudka ay la wadaagto Somaliland, iyadoo ku sababaysay inay ku sugayso amaanka Dalkeeda, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland oo wadahadalo kala yeelatay sidii loo furri lahaa ayaa iyana maanta dhinaceeda Xidhatay.

Ilo wareed rasmi ah oo u waramay Farriinnews.com ayaa sheegaya in Somaliland ay xoojisay Amaanka xuduudka ay la leedahay Dalka Jabuuti isla markaana ay amartay in aan laga soo gali Karin.

Ma cada sababta rasmiga ah ee ay Somaliland u xidhatay inay tahay mid dhinaca Amaanka ah iyo in ay tahay arrimo siyaasadeed oo u dhaxeeya iyada iyo Jabuuti, taasoo beryahan danbe aad loo hadal hayey inay Somaliland ka biyo diidsan tahay Hab-dhaqanka Dalalka Jaarka ahi ku xidheen Xuduudka ay la wadaagaan Somailand, inkastoo madaxda Somaliland markii ugu horaysay ku taageereen in lagu sugo amaanka balse wakhtigii ay filayeen in dib loo furro uu ku dheeraaday.

Xukuumadda Jabuuti ayaa Somaliland ka haysa Maxaabiis loo qab qabtay weerarkii ismiidaaminta ahaa eek a dhacay Dalka Jabuuti, kuwaas oo arrimo baadhitaan loogu gacan galiyey, hase yeeshee waxa meesha ka baxay balanqaad heshiis lagu ahaa oo ahaa in Dalka dib loogu soo celin doono si loogu Maxkamadeeyo.

Inkasta oo ay jiraan xurgufo hoose ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, gaar ahaana arrinta la xidhiidha siyaasadda Jabuuti ee Somaliya, hadana waxa jiray saaxiibtinimo hoose oo u dhaxaysay masuuliyiinta labada Dal oo isku talaabi jiray , laakiin talaabada cusub ee Somaliland qaaday waa mid u baahan in laga helo faahfaahin dheeraad ah.

 

Somaliland ayaa xabsiga ku riday sarkaal reer jabuuti ah oo ay Sirdoonka iyo wasiiro xukuumadda ka tirsani ku Eedaynayaan hawlo Basaasnimo, kaasoo wali ku xidhan Hargeysa. Sarkaalkaas ayaa la sheegayaa Dawladda Jabuuti in ay Somaliland ka codsatay in loo sii daayo balse Somaliland way diiday codsigooda

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here