Xukuumadda Somaliland oo siidaysay Xoghayihii Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Ee ay Hargeysa Ku xidhay

0
74

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa xorriyadiisii u celisay xoghayihii ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo muddo ku xidhnaa xabsiga ku yaalla Hargeysa, Sida uu BBC-da u sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasin Maxamed maanta loo masaafuriyay magaalada Muqdishu.

Cabdiqani Yaasin Maxamed oo ah xogahayaha ra’iisul wasaaree ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo labo toddobaad ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Xeer ilaalinta Somaliland waxay sheegeen in sababta loo xiray ninkaasi ayay hayd inuu qaab dhuumaalaysi ah ku joogay magaalada Hargeysa.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa loogu xidhay Hargaysa, iyadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aanay raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here