Xukuumadda Somaliland oo Waddamada Gobolka u soo bandhigtay talooyin lagu gaadhi karo Xalka Qalalaasaha Soomaaliya

0
20

Nairobi (Hubaal)- Xukuumada Somaliland, ayaa kula talisay waddamada ku bahoobay Urur-goboleedka IGAD inay la yimaadaan siyaasad gundhig u noqota sidii hab nabadgelyo loogu dhammaystiri lahaa xasilooni-darrada ka taagan dalkaasi Soomaaliya.

Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Kenya Dr Maxamuud Jaamac Sifir, ayaa sheegay in loo baahan yahay wax-ka-beddel la taaban karo iyo dib-u-eegis lagu sameeyo qorshaha waddamada ku midaysan Urur-goboleedka IGAD ee la-dagaalanka Argagaxisada ka hawl-gasha Gobolka, si loo hubiyo in dariiqa ugu habboon ee lagaga guulaysan karo dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ka fuliso mandaqadda.

Danjire Maxamuud Jaamac oo u warramay Jariiradda The Nation ee ka soo baxda waddanka Kenya, waxa uu sheegay inay Xukuumadda Somaliland soo dhawaynayso dariiq kasta oo loo mari karo xal-u-helidda mashaakilaadka ka taagan Soomaaliya.

“Somaliland way soo dhoweynaysaa wadaxaajoodyo heer sare oo IGAD wadamadda ku bahoobay yeeshaan. Wada xaajoodyada waa in lagu raadiyaa aasaas u dhigida go’aamo nabadgelyo oo lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Danjire Sifir oo u warramay The Nation.

Safiirku waxa uu si xooggan u cambaareeyey weerarrada Kooxda Al-Shabaab ka fulisay dalka Kenya todobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ku naf-waayeen tobanaan qof oo shacab aan waxba galabsan u badnaa, iyada oo weerarkii u dambeeyey oo maalintii Isniinta ka dhacay magaalada Mandeera ee gobolka Woqooyi-Bari Kenya lagu lagu laayey dad shacab ah

“Xukuumada Somaliland waxay aaminsan tahay in jebinta Shabaab iyo dabar-goynta dhamaan halista argagaxisadu u baahan tahay wadaxajood ay yeeshaan madaxda waddamada ay khusayso ee gobolka, si loo fududeeyo wadaagga macluumaadka sirdoon iyo waaya-aragnimada la dagaalanka argaagxisada,” ayuu yidhi Danjire Sifir.

Danjire Maxamuud Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidh u dhexeeya labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya, waxaanu yidhi,”Waxa jira dhaqaale kobcaya iyo maalgashedayaal xilligan ku soo qulqulaya Somaliland. Sidoo kale jaamacadaha Kenya waxay xarumo ka furteen Hargeysa, tusaale u ah sida maalgashigu u soo jidanayo jawiga xasiloon ee dalka.”

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here