Xukuumadda Somaliland Oo War-Murtiyeed Kasoo Saartay Wadahadalada Muranka Hawada Oo Shalay Furmay

0
28

Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland ayaa xalay soo saartay warsaxaafadeed ku dhereran wadadhadalada muranka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, oo shalay ka furmay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ay wadahadalada lagu muransan yahay ee dhanka hawadu ay isku hor fadhiisteen xubnaha ka socday dawladda F. Somalia. Nuqulka war-murtiyeedkan oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, oo wargeyska soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

Warsaxaafadeed

“Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland. Shirkaasi oo saaka Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi,  iyo  sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada. Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo Bari-na uu sii socon doono.  Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacabiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbanaan.”DSCF5028

Xubnaha Dawladda Somaliland.

1.Maxamuud Xaashi Cabdi,        :Wasiirka Duulista iyo Hawada

2.Saciid Cabdi Maxamed             : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada

3.Saciid Mahdi Ileeye,                 : Agaasimaha Waaxda Duulista

  1. Axmed Cumar Caga-dable, : La Taliye

Xubnaha Dawladda Soomaaliya

1.Cali Axmed Jaamac (Gangali)  Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka

2.Cabdiwaaxid Cumar            : Agaasimaha Duulista

3.Maxamed Khaliif                  : La Taliye

4.Axmed Cabdiraxmaan          :Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

1.Ivan Galan                     :  Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka

2.Nancy Onyedim               : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Dawladda Turkiga

  1. Olgan Baker : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya
  2. Kareem Yilmaz : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada
  3. Hulusi Kilic : Agaasimaha bariga Afrika
  4. Ahmed Riza Demirer : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya
  5. Seval Ince : Air Traffic Controller

ALLA MAHAD LEH.

Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here