Xukuumadda Somaliland Qalinka Ku Duugtay Heshiis Maal-Gelineed Oo Baahi Weyn Loo Qabay

0
19

Wasiir Cawad oo sheegay inay Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse ku dhisan tahay horumarinta Maal-gelinta Shacbiga.

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Wasaarada horumarinta Maal-gashiga Maxamed Axmed Cawad, ayaa qalinka ku duugay Heshiis maal-galineed oo ku kacaya 8 Milyan oo Doolar oo lagu maal-gelinayo Ganacsatada yar yar ee Somaliland, kaasoo ay bixinayso Hay’adda Shuraako.

Munaasibada heshiiskaa lagu kala saxeexday, ayaa ka qabsoontay xarunta Wasaarada Maal-gashiga ee Hargeysa, waxaana ka hadlay masuuliyiin ka socda labada dhinac.

Maxamed Axmed Cawad, Wasiirka horumarinta Maal-gashiga, ayaa tilmaamay in ay talaabadani ka turjumayso siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu intaa raaciyey inay Wasaaraddiisu u taagan tahay hagida iyo hogaaminta fursadaha Maalgashi ee bulshadu u baahan tahay.

Saraakiil ka socda Hay’adda mashruuca bixinaysa ayaa iyaguna sheegay inay dawladda ku amaanayaan sida hufan ee ay howl-galkan ula qaadatay.

Mashruucan ayaa ah mid baahi weyn loo qabay, marka la eego shaqo-la’aanta iyo dhaqaalaha xumada dalka ka jirta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here