Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Xabsiga Ku Gurtay Weriyaal Idaacadahoodu Baahiyeen Barnaamijyo Ku Saabsan Alshabaab

0
24

 

 

 

 

 

 

0Muqdisho (Hubaal)- Xukuumada Madaxweyne  xasan Sheekh ayaa maanta xabsiga ku gurtay weriyayaal  Idaacadaha ay ka shaqeeyaan ay maanta baahiyeen warar Alshabaab ku saabsan.

Idaacadaha Shabelle iyo SKY News ayaa muddo ka badan bil albaabadu u xiranyihiin iyadoona wariyaal iyo mas’uuliyiintii idaacadahaasi xabsiga Godka Jilacoow ku xiranyihiin.

 

Khaliif Ereg oo ku magacaaban wasiirka arrimaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa isku dayaya in uu afka qabto saxaafadda kadib markii uu ku fashilmay sugidda ammaanka Muqdisho.

 

Go’aan isbuucii lasoo dhaafay kasoo baxay hay’adda Nabad sugidda isku magacaawday ayaa amar lagusiiyay saxxaafadda madaxa banaan in aysan baahin karin codka mas’uuliyiinta Shabaabul Mujaahidiin tallaabadaasi oo ay ka caga jiideen intabadan warbaahinta madaxa banaan.

Ciidamada13

Idaacadda Simba oo xalay baahisay kalimad uu jeediyay Sheekh Cali dheere ayaa albaaba loo laabay,mid kamida howlwadeenada idaacadda ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo wajiyad soo xirtay ay gudaha ugaleen idaacadda ayna amar ku bixiyeen in hawada laga saaro FM-ta.

 

Sidoo kale idaacad xarunteedu tahay guriga hooyooyinka ayay xireen ciidamada Naba sugidda waloow aan la ogeyn inta ay idaacadaasi sii xirnaan karto.

 

Radio Kulmiye ayaa albaabada loo laabay iyadoona maamulka idaacadda loola dhaqaaqay dhanka xabsiga Godka Jilacoow,magaalada Muqdisho waxaa ka socda caburis kii ugu darnaa abid oo ay lakulanto saxaafadda Soomaaliya,inkastoo wararkii u danbeeyay ay Sheegayaan in Idaacada Kulmiye ay hawada dib ugu soo noqotay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here