“Moorgan Waxaanu U Sheegaynaa In Ay Jiraan Dad Aan Weli Godobtoodii Ilaawin”
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa Ka Jawaab adag ka bixiyey Hadallo dhawaan kasoo yeedhay General Maxamed Siciid Xirsi(morgan)oo kamid ah Ragga loo tirinayo Xasuuquu ugu cuslaa ee Rijiimkii Siyaad Barre u geystay Shacabka Somaliland.
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo si gaar ah ugu warramayey Telefishanka HCTV, ayaa Ayaan darro ku tilmaamay in Rag Morgan ka mid yahay maanta ku dhiirradaan inay Somaliland arrimaheeda ka Hadlaan, waxana uu xusay in taasi muujinayso in hoos u dhac badani jiro,“Beryahan Somaliland waxa ku socotay in Dad aan codadkooda la maqli jirin oo aan ina hawaysan jirini inay codkooda kor u qaadaan, General Morgan-nna waa Dad-qalkii Hargeysa, Maantana inuu hadlo ma ahayne waxa ay ahayd inaynu sidii Yuhuudda intaynu soo qabano aynu karino,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dhiirranaanta General Morgan muujinayso kala furfurashada shacabka Reer Somaliland iyo sida aanay diyaar ugu ahayn inay daba galaan ciddii sababta u ahayd dhibaatooyinkii loo geystay xilligii taliskii siyaad Barre, waxana uu yidhi,
“Tamar-darraanteena iyo inaynu nahay dad aan godobtooda raadsan garanaynin ayey taasi ina tusaysaa, shalayna waad maqlayseen oo waa tii ay qaar lahaayeen Xudun ma qodan kartaan. Markaa dadkeenu waa Dad beentoodii rumaystay, laakiin waxanu moorgan u sheegaynaa inay wali jiraan dad aan godobtoodii ilaawini.”
Faysal Cali-waraabe, waxa uu sidoo kale ka Hadlay Halka Xisbigiisa Ucid ka taagan yahay Dadka godobaha badan ka galay Somaliland, waxana isagoo arrintaas ka Hadlaya uu yidhi,
“Haddii aanu Ucid nahay waxa Barnaamijkayaga ku yaalla in dadkii dadkeena xasuuqay in si toos ah iyo si dadbanba loosoo qabto oo aanu sidii Yuhuudda u samayno dad ugaadhsada meel kasta oo ay joogaanba.”