Xukuumadda & Xisbigeeda Oo Shacbiga Ka Jaahil Saaray Shaki Uu Xisbiga WADDANI Ka Muujiyey Doorashada

0
130

Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumadda Oo Ka Jawaabay Eedo shakisan Oo Uu Xisbiga WADDANI U Xambaariyey Guddida Doorashooyinka Iyo Xisbiga Talada Haya

 

Hargeysa (Hubaal) Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ayaa ka jawaab ka bixiyey hadal uu xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ku duray guddida doorashooyinka iyo xisbiga Kulmiye oo uu ku sheegay inuu doonayo inay doorashada ku shubto.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Maxamed Kaahin oo u waramay telefishenka Eryal ayaa been iyo wax aan jirin ku tilmaamay hadalkaasi kasoo yeedhay xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in xisbiga Kulmiye diyaar u yahay doorashada, oo aanay jirin meel uu ku shubanayo xisbiga Kulmiye codka doorashada, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi;

“ma aaminsanin xisbiga Kulmiye inuu doonaayo inuu doorashada ku shubto, meel aannu kaga shubanaynana garanmayno, iyagu meesha lagaga shubanaayo ee ay sheegayaanna garanmayno. Fikirka Odhanaya KULMIYE Ayaa Doorashada Ku Shubanaya, waa arrin marka hore qaranka Somaliland gef ku ah, waa arrin gef ku ah nidaamkeenna doorasho, sidoo kale waa arrin gef guddida doorashooyinka, waa arrin xisbiga Kulmiyena gef ku ah.  “Layaabi Maayo oo maaha markii koowaad In Xisbiga WADDANI Cay, Aflegaado, Gef Ula Badheedhan Xisbiga KULMIYE, annagu se Waddani xisbi qaran baanu u aqoonsan nahay kuna gefi mayno, aflegaadeyna mayno, laakiin arrintaasi waxay daahfuraysaa, arrintaasi waxay tilmaam kasii bixineysaa oo ay sii iftiiminaysaa Barnaamijyada Xisbiga WADDANI ee Uu doonaayo Inuu Ku Carqaledeeyo Hanaanka geedisocodka Doorashada Soo Socota ee 13-ka November dalka ka qabsoomaysa. Waayo, tusaale ahaan anigu imika waxaan guddoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga, marka aan doonaayo inaan arrin ka hadlo, ama aan ku hadlo afka xisbigeyga oo aan ka hadlaayo doorashada, ama marka aan arrinta koomishenka doorashooyinka duraayo, ama aan duraayo xisbiyada qaranka mid kamid ah, inaan iska hadlo maaha e’ waa inaan hayaa cadeyn, waa in aan hayaa xog, waa inaa wax cad oo iftiiminaysa arinka aan ka hadlayo, sida uu u jiro” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, Muj. Maxamed Kaahin

 

Dhinaca kale wasiirul-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo isna ka hadlay kalsoonida bulshada Somaliland ku qabto hogaaminta dalka ee musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa yidhi;

“Cabdiraxmaan 82 Xubnood Oo Golaha Wakiillada Ayuu Maamuli Kariwaayay, Oo Maalin Walba Laysku Dhex Dilayay, Afar Milyan Oo Ummad Ah Maamulkeeda Inuu Ku Adkaanayo Anigu Uma Qabo. Sababtoo ah waxaynu u baahan nahay maamul adag oo tayo leh oo ka warqabo wixii lasoo maray dalkan iyo dadkan, oo had iyo jeer qolada qurba jooga ah, caayi maayo e’ se waxaan leeyahay xog badan ma haysaane u dabo fadhiista dalkan dadkii usoo halgamay.” Ayuu yidhi Wasiir-ul-Dawlaha Amniga, Maxamed Muuse Diiriye, sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay doorashada madaxtooyada ee dhawaan dalka ka qabsoomi doonta, oo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani welwel ka muujiyey, waxaanu yidhi “doorashada wax cabsi ah oo laga qabaa ma jirto, waxay u dhici doontaa sidii doorashooyinkii hore, waxaan leeyahay oon filayaa xisbiyadu sidii ay horeba ugu tartami jireen ayay u tartami doonaan, waxaanan leeyahay qolyooyinka sii hadlayow, iimaansada oo u diyaargarooba inaad doorashada ka qaybqaadataan.” Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday Wasiir-ul-Dawlaha Amniga, Maxamed Muuse Diiriye

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here