Maxaad Ka Taqaan xukuumaddii u horeysay ee Somaliland yeelato?
Xukuumadii uugu horeysey ee somali land yeelato sidan ayey ahayd madax weyne Cabdiraxman Axmed Cali AHN iyo madax weyne ku xigeen Xasan Ciise Jamac, wasiirka arimaha guduha Saleebaan Gaal wasiirka arimaha debeda Sheekh Yuusuf Sheeg Cali Gurey Sheekh Madar AHN, wasiirka Gaashaan dhiga Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka maaliyada Ismaaciil Buubaa, wasiirka macdanta iyo biyaha Maxamed Cali Caateeye, wasiirka wax barashada Cabdiraxma Aw Cali Faarax, wasiirka madax tooyada Yuusuf Tuke AHN, wasiirka ganacsiga Aadan Ruush, wasiirka war faafinta Daahir Warsame,taliyaha ciidanka qaranka Xasan Yoonis Habane, taliyaha ciidanka nebed gelyada Maxamed Xasan Jidhif.
intii kale dib ayaan ka soo sheegi dhanka kale, Gudoomiyaha golaha dhexe AHN Ibraahim meygaag Samatar, Gudoomiyaha golaha guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh AHN Madar, Gudoomiyaha maxkamada sare faysal Xaaji Jamac AHN dhamaantood waxay ahayeen ururkii SNM.
Hadaba akhriste Maxamed Kaahin wuxuu ahaa ninkii ka hor yimi, kana jawaabi waayey xiligaa wuxuu uuga hor yimi, hase yeeshee maanta ka jawaabey ee yidhi “waxaan doonaayey xukuumad adeerkay madax weyne ka yahay”.
Markaa,waxaan hadalkaygan ku soo xidhayaa; ma cid baan la dhalinoo cidla laga dhex qaadoo dhabar hooyo soo marin, dhamays baad ku faantee yaa dhicisa wiilyahaw!
Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro