HALKAN KA DAAWO: Wasiirka Madaxtooyada oo jawaab ka bixiyay farriintii mucaaridku ee ku mudaysnayd 26-ka June 2015
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Guddoomiye Cirro iyo axsaabta Mucaaridka ahi kaga hadlayeen Qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee la filaayo inay qabsoomaan 26-June. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan wuxuu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay qabsoomida doorashooyinka, ayna ka sugayaan Koomiishanka Qaranka, haddiise ay dhiciweydo aanay macnaheedu ahayn in suurkii la afuufaayo, sidoo kale wuxuu Wasiirka Madaxtooyaddu Mucaaridka xasuusiyay in aanay ahayn ragg wax lagaga qaado Hanjabaad.