Gud. Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Faahfaahiyay Nooca Ay Tahay Cashuur La Dul Dhigay Ganacsiga Dalka
Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyey cashuurta lagu kordhiyay ganacsiga kala duwan ee dalka. Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac oo shalay telefishenka Bulsho u waramayay ayaa sheegay in aanay jirin cashuur ay xukuumaddu ku kordhisay ganasatada, balse ay xukuumaddu kordhisay sicirkii sarifka doolarka ee rasmiga ahaa (Official Rate). “Xukuumaddu waxa ay kordhisay maaha cashuur, waa sicirkii sarifka doolarka ee rasmiga ahaa (Official rate) marka badeecada la cashuuraayo loo salayn jiray oo shan kun ahaa (5000 slsh), oo daruuriyaadkana ka dhigtay Lix Kun (6000 Slsh), badeecadaha kale Rate-koodana ay ka dhigtay Todoba Kun (7000 slsh).” Ayuu yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga
Waxaanu intaasi k daray; “dabcan annagu ganacsato ahaan waxaanu u arkaynaa inay arrintaasi saamay yeelanayso, markii aanu wadahadalnay, madaxweynahu waxa uu ballanqaaday arrintaasi haddii ay saamayn tabani kasoo baxdo, waynu isla eegaynaa. Laakiin duruufaha dhaqaale ee maanta dalkeena ka jira darteed, hala aqbalo oo halagu shaqeeyo, annaguna waanu ka aqbalnay, sidaas baanay arrintaasi ku dhamaatay, wax hadal ah oo imika ka taaganina ma jiraan.” Ayuu yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga