Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada sidoo kalena ah Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Xukuumadda ku eedyay inay faro galin toosa ku samaysay ururkii Suxufiyiinta ee SOLJA, Guddoomiye Cirro wuxuu sidoo kale sheegay inay Xukuumaddu rabto inay ururkaas ka dhigto mid dawli ah. Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo ka hadlaayay xaflad loo qabtay tagerayaal ku soo biray wuxuu yidhi.
“Farogalinti Xukuumaddu waxay hadda maraysa ururadi Bulshada, waxana farogalin toosa ay ku samaysay Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA”. Guddoomiye Cirro, oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. Waxaan filayaa inay Xukuumaddu rabto inay ururkii SOLJA ka dhigto mid dawli ah.”
Somalilandtoday