Xulka qaranka Croatia ayaa markii taariikhdiisa ugu horeeyay u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadheen England. Inkasta oo xulka England uu hogaanka ciyaarta hayay min daqiiqadii 5 aad ee bilawgii kulankan ilaa daqiiqadii 68 aad intii laga soo gaadhayay haddana qaybtii labaad ee kulankan ayuu Perisic xulkiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay. Laakiin labada xul ayaa ku kala bixi waayay waqtigii rasmiga ahaa taas oo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daray waxayna Croatia waqtigan ku dhamaadkiisii ku keensadeen goolka ay guusha soo laabashada ah kaga gaadheen Three Lions. DAQIIQADII 5 AAD Alla Maxay Bilaabasho Fiican U Ahayd!! Xulka qaranka England ayaa markiiba helay goolkooda furitaanka oo waliba ahaa mid cajiib ah kaas oo uu difaaca Kieran Trippier ku dhaliyay kubbad laaga xorta ah oo uu ka soo tuuray meel ka baxsanayd xerada ganaaxa Craotia isaga si buuxda u garaacay goolhaye Subasic waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay markiiba Three Lions hogaanka ciyaarta kula wareegeen. Kaieran Trippier ayaa noqday ciyaartoygii England ah ee ugu horeeyay ee xulka England koobka aduunka kubbad laaga xorta ah gool ugu soo dhaliyay tan iyo 2006 kii markaas oo uu David Beckham ahaa xidigii ugu danbeeyay ee kubbad laaga xorta ah gool ku dhaliyay. Xulka Croatia ayaa bilaabay in ay ka dagaalamaan goolka markiiba wadnaha hoos loogu jiray laakiin waxay u muuqdeen kuwo aan jabin karin difaaca birta noqday ee xulka England kaas oo isbadal layaableh uu ku sameeyay Garth Southgate.
Ciyaarta ayaa noqtay mid sii adkaatay iyada oo England raadinaysay goolka labaad isla markaana dhinac ahaan taxadar ka muujinaysay in ay hogaanka ciyaarta iska lumiso waxayna Croatia ku dhibtoonaysay in ay fursado badan ku abuurto goolka England. DAQIIQADII 29 AAD Harry Kane ayaa ku dhawaaday in uu England u keeno goolka labaad laakiin waxaa fursad fiican ka beeniyay goolhaye Subasic laakiin laba daqiiqo oo kaliya kadib Croatia ayaa markeeda heshay fursad halis ah iyada oo Rebic uu goolhaye Pickford ku sababay in uu badbaadin sameeyo.
Wax walba oo uu xulka Croatia sameeyay waxay awoodi waayeen in ay qaybtii hore ciyaarta ku soo laabtaan oo ay keensadaan goolka barbaraha waxaana lagu kala nastay 1-0 uu xulka qaranka England guul finalka gayn kartay ugu taagnaa.
Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybti labaad ee ciyaarta ayuu xulka Croatia soo laabtay isaga oo doonayay in ay keensadaan goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laabteen laakiin wali qorshaha ciyaareed ee England ayaa ahaa mid difaacasho iyo weeraro rogaal celis ah ku dhisan oo ay adag tahay in la dhaafo.
DAQIIQADII 68 AAD Croatia ayaa ugu danbayn heshay goolka ay waqtiga dheer soo raadinaysay waxaana goolka neefta ka soo saaray jamaahiirta Croatia dhaliyay Ivan Perišić kaas oo kubbad karoos aad u fiican ah ka helay Šime Vrsaljko wuxuuna Perisic awooday in Walker oo kubbada madax ku saari lahaa uu lugta kaga horqaatay si uu u dhaliyo goolkan waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.
DAQIIQADII 109 AAD Croatia ayaa markeeda heshay goolka labaad ee ay xaalada ugu xumaysay England kadib markii uu difaaca Three Lions qalad wayn sameeyay ee uu Perisic kubbad madax ah ku caawiyay Mario Mandžukić kaas oo si degan kubbada u dhaafiyay goolhaye Pickford waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Croatia dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii ciyaarta ee goolka waqtiga dheer hogaanka looga hayay.