Hargeysa (Hubaal)- Waxaa ciyaar aad u xiiso badan ay shalay galaba garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium ku dhex martay kooxda fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska iyo saxaafada Somaliland. Ujeedka loo qabtey ciyaartan oo aheyd in lacagta ka soo baxda lagu caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ayaa waxaa ka soo qeyb galay tageerayaal aad u badan oo labada dhinac ba ah Labada kooxood ayaa waxaa kala watey Cabdi Good Abees oo saxaafada Couch u ahaa iyo Abwaan Cabdirisaaq Xamuud Jaylaani oo isna watey kooxda xidigaha Geeska. Qaybtii Hore ee Ciyaarta ayaa ku dhamaatay eber iyo eber Hasa Yeeshee Qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa waxaa gool la Yimid Kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska waxayna Natiijadii Ciyaartu ku dhamaatay Hal Gool Iyo Eber ay Guushu ku raacday Kooxda Xidigaha Geeska. Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa u Mahadceliyey Cid kasta oo ka qayb qaadatay Qabsoomida Ciyaartan.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Xulka Kubbeda Cagta Ee Fanaanniinta Xiddigaha Geeska Oo Karbaashay Dhigooda Saxaafadda