“Ma JiraanTaageereyaal Garoonka Soo Galay, Waxayse Ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo dhan”
Hargeysa (Hubaal)- Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ayaa xalay xulka kubadda cagta ee Maroodi-jeex ka reebay tartanka ciyaaraha gobolladda ka dib markii ay gacan u qaadeen garoorihii dhexe ee ciyaarta iyo xubno ka mid ah xidhiidhka, waxaana saddexdii dhibcood ee ciyaartii galabta dhex martay Awdal iyo Maroodi-jeex la siiyay xulka Awdal. Ciyaartan oo qeybtii hore ku gab0-gabowday hal iyo eber ay ku hoggaaminaysay xulka kubadda cagta ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa qeybtii labaad markii la iskugu soo noqday waxa rikoodhe loo dhigay xulka Gobolka Awdal, waxase diiday oo la dagaalamay garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay xulka gobolka maroodi-jeex arrintaasi oo sababtay inay rabshado hadheeyay garoonka. Xoghayaha Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Sacad Maxamed Shire, ayaa Gudgudenews.com oo aanu warkan kasoo xiganay ugau warramay arrintan waxaana uu sheegay in saddexdii dhibcood ee ciyaartii maanta la siiyay xulka Gobolka Awdal, isla markaana wareega labaad ee ciyaaraha laga reebay xulkii Maroodi-jeex oo uu xusay inay gacan u qaadeen garsoorihii dhexe ee ciyaarta iyo xubno ka mid ah xidhiidhka kubadda cagta, waxaanu tilmaamay in qaarkood ay soo gaadh siiyeen dhaawacyo kala duwan. “Go’aanka aanu qaadanay waxa weeye in markii garsoorihii koowaad iyo calan wallihii koowaad ay rikoodhe ku qabteen xulka Maroodi-jeex ay ciyaartoygii diideen in lagu laago oo ay dagaal gacan ka hadal ah kala horyimaadeen oo ay qaarkoodna dhaawacyo muuqda u geysteen, ka dib waxaanu go’aan ka soo saaray dhacadadii galabta markii aanu sugaynay xulka Maroodi-jeex wakhtigii ciyaarta ka dhinaa. markaa Go’aanka xidhiidhka kubadda cagtu soo saaray waxa weeye in aanu saddexdii dhibcood ee ciyaartii maanta [shalay] dhex maraysay Awdal iyo Maroodi-jeex lagu wareejiyo gobolka Awdal, sidaasna gobolka Awdal kaga mid noqdo gobolladda u soo baxay wareega labaad,”Ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland. Sacad Maxamed Shire waxa kale oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ciyaarta dambe ka joojinay inuu ciyaaro oo ganaaxnay Ciyaartoyga magaciisu yahay Fadxi Muuse Maxamed oo ka mid ah ciyaartoyga gobolka Awdal, oo isaguna garsooraha laad la dhacay. waxaanu xidhiidhka kubadda cagtu ka joojiyeen inuu ka qeyb-galo wareega labaad ee ciyaaraha gobolladda ee Hargeysa lagu qaban doono.” Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda cagta oo aanu weydiinay cida rabshadaha sameeyay inay ahaayeen ciyaartoy iyo inay taageereyaal ahaayeen, waxa uu yidhi “Ma Jiraan wax taageereyaal ah oo garoonka soo galay, waxay ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo dhan.” Sacad Maxamed Shirre oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ganaaxan culusi uu wax ka bedali doono gal-daloolooyinkii hore uga jiray garoomadda ciyaaraha, waxaanu yidhi “Xidhiidh ahaan horeba way jiri-jirtay inaanu go’aamo soo saarno, haddii gobollada kale dhaqan noocan oo kale ah sameeyaanna waanu ganaaxi doonaa. waliba ciyaartoyga maroodi-jeex markay tagaan Hargeysa go’aamo dheeraad ah oo la xidhidiha falkii maanta ayaa laga qaadan doonaa.”