Xulkii Kubadda Cagta Ee Gobolka Tog-Dheer Oo Burburay Iyo Ciyaartoy Ka Hadlay

0
28

Burco (Hubaal) Xulka kubadda cagta ee gobolka Togdheer ayaa la sheegay in uu burburay, isla markaana ciyaartooyadii ugu dambeeyey ee xulkaas uga qayb galey tartankii gobollada Somaliland ay ka baxeen saaxadda ciyaaraha.

Sida uu saaka daabacay wargeyska Geeska Afrika ee Ciyaaraha oo ka soo baxa magaalada Hargeysa, ciyaartooyadii u saftay gobolkaas tartankii gobollada ee ugu dambeeyey ayaa u qaybsamay kuwo dhoofay, kuwo shaqooyin kale uga leexday ciyaaraha iyo qaar kale oo kubadda iska daayey.

Togdheer-640x360Wargeyska oo waraysi la yeeshay Ayaanle Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa ciyaartooyadii Togdheer ee u ciyaaray tartankii ugu dambeeyey ee gobollada Somaliland ayaa sheegay in dhamaan xulkii ugu dambeeyey ee gobolkaasi ay ka baxeen ciyaaraha gobolkooda kadib markii muran uu ka dhex dillaacay ciyaartooyada bilowgii tartankii gobollada, kuwaas oo awoodi kari waayey in ay khilaafkooda xallistaan taasina ay keentay in xabsiga Hargeysa lagu xidho qaar ka mid ah, isla markaana ay tartankaas ka baxaan. “Inta badan ciyaaryahannadii xulka gobolka Togdheer eek a qayb galay tartankii koobka gobollada ee ugu dambeeyey ee Hargeysa lagu qabtay way iska daayeen ciyaaraha, qaar ayaa dhoofay, qaar ayaa shaqooyin ay heleen ku mashquulay, qaar ayaa faraha ka qaaday gebi ahaanba ciyaaraha, qaarna illaa hadda way ciyaaraan.” Sidaas waxa yidhi Ayaanle Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa xulkii gobolka Togdheer ee ka qayb galey ciyaarihii gobollada ee ugu dambeeyey.

Mr. Ayaanle waxa uu tibaaxay in uu isagu shakhsiyan ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta markii ciidamada boolisku ay xidheen dhamaan ciyaartooyada Togdheer intii uu socday koobkii gobollada khilaaf ka dhex qarxay darteed, waxaana uu tibaaxay in hadda uu ku mashquulay shaqo uu helay.

“Anigu waan ka fadhiistay oo waan shaqeeyaa, balse sababta ugu weyn ee igu kelliftay inaan ka fadhiisto waxay ahayd xadhiggii nala xidhay iyo ceebtii aanu u soo jiidnay gobolka, runtiina khilaafkaasi waxa uu ahaa khilaaf aan loo baahnayn oo sumcad darro noo soo jiiday” ayuu yidhi Ayaanle oo ka hadlayey khilaafkii sababta u noqday inuu ciyaaraha ka fadhiisto.

Ugu dambayn, waxa uu Ayaanle tibaaxay in xaaladda ciyaaraha ee gobolka Togdheer ay wakhtigan fiican tahay, isla markaana laga qabtay tartanno ciyaareed, waxaana uu u soo jeediyey ciyaartooyada gobolkaas inay isku duubnaadaan kuna dedaalaan inay kor u qaadaan sumcadda Togdheer.

source:cadalool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here