Xummadda Doorashada, Xafiiltanka Murashaxiinta, Kala Jiidashada Xisbiyada Iyo Xod-xodashada Weriyeyaashii BBC-da

0
207

Qaar Kamid Ah Ruug cadaayadii Hore Ee Laanta Af-ka Soomaaliga Ee BBC oo la Kala Saftay Xisbiyadda

Hargeysa (Hubaal) ololaha xisbiyadda Somaliland ee WADDANI, KULMIYE & UCID ayaa maraya meel xaasaasi ah, waxaanay kala jiidanayaan taageerayaal si mid kastaa Ololihiisu u noqdo ka Guusha gaadhsiiya Musharraxiinta u Tartamaysa. Haddaba Loollanka Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI waxa si weyn uga dhex muuqda Wariyayaal ka tirsanaan jiray Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Somaliga, kuwaas oo xilligan u muuqda inay si rasmi ah ugu biireen Siyaasadda, isla markaana danaynaya inay ka dalacaan shaqadii ay muddada dheer ku soo jireen.  Wariyayaasha sida muuqda loogu dhex arko xafladdaha labada xisbi waxa ka mid ah Yoonis Cali Nuur oo toddobaadkan Mikirifoonka u qaatay taageerada uu u hayo musharax Muuse Biix Cabdi, isagoo dadka deegaankiisa Gabilay ugu baaqay inay Doortaan. Wallow Yonis Cali Nuur uu in muddo ah ugu mashquulsanaa u ololaynta Muuse, haddana safarkii ugu danbeeyey ee ay musharraxiinta Xisbiga KULMIYE ku soo mareen goboladda galbeedka Somaliland waxa uu u ban-baxay in uu Mikirifoonka qaato oo uu shaaca qaado. Yoonis Cali Nuur waxa ay Taariikhdu xustaa in uu saaxiib dhaw la ahaa Muuse iskuna hilaado ahaayeen wakhtigii Ardaynimo, isagoo ka sheekeeya waayo badan oo Muuse iyo isaga soo dhex maray markii ay waxbarashada ku wada jireen, waxaanu Qudbadiisii u danbaysay Yoonis ku sifeeyey Muuse Biixi illaa taariikhdaas dheer ee ay soo wada qaateen in uu ahaa nin Hogaamin iyo Go’aan qaadasho leh, wakhtigana ka saari kara dalka duruufaha uu ku jiro. Yoonis Cali Nuur waxa uu imika La-taliye ka yahay wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta, isagoo in muddo ah xilkaasi ka hayey wasaaradda illaa haatana xilkaas haya. Aadan Nuux Dhuulle oo ka mid ah wariyayaashii muddada dheer ku soo qaatay Laanta Afka Somaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa isna si shaki la’aan ah uga soo dhex muuqday fagaarayaasha Xisbiga Waddani, isagoo ka qayb galay shirar Xisbigu yeeshay. Aadan Nuux Dhuule waxa uu hore xil uga soo qabtay Xukuumadda Kulmiye, isagoo ka soo noqday Safiirka Somaliland ee Dalka Itoobiya, hase yeeshee shaqo ka tagistiisii kadib wax xil siyaasadeed ah oo uu qabtay ma jirto, waxaanu wakhtigan u muuqdaa mid u tafaxaytay siyaasadda. Inkasta oo aanay labada Wariye midkood-na wali caddayn inay labada Xisbi ku kala biireen, hadana waxa muuqata inay saamayn weyn ku leeyihiin ololaha ay wadaan labada Xisbi haddii ay noqoto Talooyinka hoose iyo haddii ay noqoto inay ololaha toos uga dhex muuqdaan-ba, taasoo loo fasiran karo inay Hiigsanayaan Hayaanka siyaasadeed ee Manaasiibta kala duwan ee labada Xisbi ku Muunayn doonaan taageerayaashooda kolba koodii ku Guulaysta Talada Dalka. Sidoo kale, Waxa iyana jira wariyayaal farabadan oo wakhtigan la kala safan labada Xisbi, kuwaas oo qaarkood shaqooyin kala duwan ka hayaan Xukuumadda iyo Xisbiga Waddani, gaar ahaan guddiyadda Ololayaasha labada Xisbi.

Source: Waaheen.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here