Xuquuqda lahaanshiyaha (Copyright) W/Q: – Burhaan Cali

0
50

Sideedaba xatooyadu waa dhaqan aad u fac weyn lana oran karo wuxuu ka mid yahay dhaqamada weligood dadku isu soo gudbinayeen. Waa dhaqan dunida oo dhan ku baahsan. Waxyaabaha sababa in qofku tuug noqdo way kala duwan yihiin waxaase ugu xoog weyn fakhriga iyo duruufaha adag ee qofka tuugga noqday la soo darsa. Horta fakhri ma jiraa? waa su’aal u baahan in keligeed si gaar ah loo falanqeeyo balse qofka duruufo qallafsan la kulma marxalad ka mid ah marxaladaha noloshiisa ee tuug noqda waa loo garaabi karaa waxaase foolxumo ah in qofku tuuganimada ka dhigto xirfad uu ku noolaado.

Tuugga hanti uusan lahayn u xada si qarsoon ama booba waxaa dhanka sharciga loo yaqaan dambiile. Haddii lagu caddeeyo fal dambiyeedkaasna waxaa lagu xukumaa ciqaab u dhiganta dembigaa uu galay. Tuugga noocan ah badanaaba waa uu muuqdaa waxa uu qaadana waa la arkaa, balse sideese loola tacaali tuugga xadaya shay qarsoon ama shay ay qiimihiisa garanayaan uun dadkii ku soo tiir iyo tacab beelay iyo dadka aqoonta u leh? Bulshooyinka adduunku qaabab kala duwan ayay ku joojiyaan dhaqanka tuuganimada muuqata. Qaar waxay dhadhansiiyaan ciqaab adag, qaar kalana xabsi ay in muddo ku illaabaan bay geliyaan, halka qaarna ay isugu daraan xabsi, dhaqan celin iyo inay baraan xirfad uu kaga maarmo tuuganimada, boobka iyo falalka anshaxa ku liita. Balse waxaa aad u adag sidii wax looga qaban lahaa xatooyada shay aan indhaha dadku wada qabanayn waa hal Abuurka e. Erayga hal abuur waxa uu kulminayaa Fanka, Farshaxanka, iyo Cilmiga. Farsamada (technology) aynu ku indha sarcaad sannahay saddexdaa hore ayaa laga soo dhiraardhiriyaa. Sidaa darteed hal abuurku waa tiir dhaxaadka horumarka bulsho, kaas oo isbaddal weyn ku keena hab dhaqanka, ilbaxnimada iyo dhaqaalaha ee bulshadaas.

Burhaan CaliUmmadi ma hormari karto haddaan hal abuurkeedu hana qaadin. Waxaa taariikhda ku cad in ummadihii kobciyey isla markaana ilaaliyey hal abuurkooda ay horumar weyn oo dhan kasta ah ku tillaabsadeen maantana dunida ku hoggaaminayaan aqoonta iyo ilbaxnimadaba. Kobcinta iyo ilaalinta hal abuurka reer Yurub dhib badan bay u soo mareen iyaga oo ka soo gudbay marxalado badan iyo halgammo kharaar. Waxaana halgammadaas laga xusi karaa halgankii bilawmay qarniyadii dhexe ee ku caan baxay ‘Waayihii Fufka’ (Renaissance Era) ee ay u soo galeen xorriyadda fikirka iyo aaminidda si qofku uu ugu soo bandhigo bulshadiisa isaga/iyada oo aan baqayn.

Waxaa u xigay halgan dhiig badan ku daatay oo ay ku hufeen hannaanka dawlad wadaaga, dawlad wanaagga, dhawridda xuquuqda qofka iyo shaqaalaha iyo baabi’inta dabaqadaha iyo takoorka. Halgan kasta waxa uu soo saarayey miro bulshadu gurato. Muddadaa dhawrka qarni ah waxaa marba marka ka dambaysay soo xoogaysanayey baahida loo qabo ilaalinta hal abuurka. Hawshaasina waxay qayb ka noqotay waajibaadyadii shucuubtu dawladahooda u igmadeen. Dawladuhuna waxay soo saaraan xeerar caalami ah iyo shuruuc deegaan oo lagu ilaaliyo hal abuurka. Shuruucdaas waa saddex heer oo midba midka kale kabayo inkastoo awoodda hirgelintu ku xiran tahay awoodda waddan waliba leeyahay waana:

B: Sharciga ilaalinaya xuquuqda lahaanshiyaha Hal abuuraha.

T: Sharciga ilaalinaya lahaanshiyaha ganacsi iyo maalgashadayaasha iyo

J: sharciga ilaalinaya qaranka laga diiwaan geliyey hal abuurkaas.

Hal abuurayaasha dunida reer galbeedka ha ahaadeen Fannaaniin, Qorayaal, Saynisyahano… iwm waxa ay maanta ku noolyihiin nolol tayo iyo xurmo leh, bulshaduna guud ahaan waxay u muuqataa mid nidaamsan oo aan is garab yaacayn. Sharci dejiyeyaashu waxa ay si joogta ah u cusboonaysiiyaan xeerarkaas si ay mar walba ula jaanqaadaan wacyiga bulshada iyo farsadama soo korodha, waxayna ku dadaalaan in ay kala asteeyaan soohdinta sharciga gaarka ah iyo sharciga dadku wada wadaagaan.

Soo ifbixii farsamada internetka ee sagaashameeyadii waxa ay isbaddal wayn ku keentay xuquuqda hal abuurka waayo internetka xuduud juquraafi oo go’ani ma xaddido. Sidaa darteed waxaa batay burcadda internetka. Burcaddaas oo isugu jirta shaqsiyaad, ururro, shirkado iyo hay’ado dawladeed. Waxaa iyana dhib weyn la yimid saxaafadda oo ka faa’iidaysanaysa fursadaha teknoolajiyada casriga ahi abuurtay. Waxayna ka ganacsadaan oo ay soo bandhigaan nolosha gaarka ah ee hal abuurayaasha caanka ah sida Fannaaniinta iyo Arbayaasha filimada. Waxaa dhaqaale badani ku baxaa dhagaysiga dacwadaha ka dhex oogan dad caan ah oo ku doodaya in si joogta ah saxaafaddu ugu xadgudubto noloshooda gaarka ah taas oo dhaawac u gaysata sumacaddoodii iyo hal abuurkoodiiba iyo saxaafadda oo iska difaacaysa. Haddii dawladaha awoodda badan ay ilaalinta hal abuurka si joogto ah kala kulmaan caqabado badan, dhaqaale aad u badanina kaga baxo, sidee noqonayaa xaalka bulsho aan markeedii horaba sharci guud iyo mid gaar ahiba ka dhex shaqayn?

Soomaalidu waxay taariikh u leedahay in kala dhaca xoolohu dhexdooda caadi ka ahaa inkastoo ay ka sarriigan jireen tuuganimada bishishinka xun. U hayaamiddii noloshii magaalada iyo nidaamkii dawladnimo ee musuqmaasuqa ahaa waxay bulshadu baratay dhaqan tuugannimo oo in la iskula yaabo iska daaye aan xitaa la dareensanayn. Waa bililiqada joogtada ah ee lagu hayo hal abuurka. Bahda fanka iyo farshaxanka ayaa ugu nolol liita. Waxaa la isugu daray wax soosaarkoodii oo la bililiqayso iyo bulshada oo aan qadarin weyn u hayn marka laga reebo madadaalo waqtiga la isku dhaafiyo. Ugu dambayn fakhri iyo bahdilyo ummadeed ka bixi mayno inta hal abuurkeenu dayacan yahay isla markaana dhaawacan yahay. Dhaawacna hal abuurkeennu ka biximaayo inta bulshadeennu ka baqayso soo bandhigidda fikirkeeda.

Burhaan Cali

burhaan1999@yahoo.co.uk 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here