Xusuus qorkii 100-ka Maalmood Ee Madaxweyne Muuse Iyo Xukuumaddiisa Cusub

0
90
  1. 1aad

 

Dhacdooyin maalinle ahaa oo dhacayay intii xukuumadda cusubi talada dalka qabatay. Saamaynteeda lahaa. Xidhiidho toos ah iyo kuwo dadbanna la lahaa gudo iyo dibadba.

 

 

W/Q: Guuleed Cali Jabane

 

 

  1. 13kii Diisambar, 2017. Maalintii 1aad, Arbaca: Waxa xilkii madaxweynenimo wareejiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo. Waxana xilkan cusub la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

  1. 14kii Diis. M. 2aad: Abbaaro kowdii duhurnimo waxa si kedis ah barashaha bulshada loogu arkayay saddex waraaqood oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Muuse─oo 32 wasiir iyo ku xigeenno uu ugu magacaabay 23 wasaaradood.

 

  1. 20kii Diis. M. 8aad: Saleebaan Xaglotoosiye, Wasiirkii hore ee caafimaadka ee xukuumaddii Siilaanyo ayaa iska difaacay eedaymo loo jeediyay oo ahaa baabuur la sheegay in uu la tallaabayay─waa sida hadalka loo dhigay e.

 

  1. 21kii Diis. M. 9aad: Madaxweyne Muuse ayaa madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Isaga oo guddoomiyuhu sheegay in toddobaadka soo socda ay qaadan doonaan shaqaale oo cusub oo ka hawlgala “Madax-taabashada Shaqaalaha Dawladda”─Tirinta Shaqaalaha Dawladda.

 

  1. 21kii Diis. M. 10aad: Nin sitay baasaboor Maraykan ah, laguna magacaabo Dabcasar, baraha bulshadana aad caan uga ah, isla markaana maalintii caleemo saarka Madaxweynaha ka soo degay Hargeysa, oo ku hadlayay hadallo cay iyo aflagaaddo ku ah Soomaalilaan iyo qaar ka mid ah madaxda dawladda ayaa dalka laga musaafuuriyay dhowr maalmood ka dib.

 

  1. 23kii Diis. M.11aad: Madaxweyne Muuse ayaa markii ugu horraysay tababbar u furay golihiisa wasiirrada.

 

  1. 24kii Diis. M.12aad: Madaxweyne Muuse ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha xisbiga Waddani, iyo saraakiil sare oo ka tirsan xisbigiisa.

 

  1. 28kii Diis. M. 16aad: Waxa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad u dhignayd: “Daahfurka hawada Soomaaliya”. Madaxda Soomaaliya oo halkaa ka hadashayna sheegeen in lagu wareejinayo maamulkii hawada Soomaaliya oo ay Soomaalilaan ku jirto.

 

  1. 30kii Diis. M.18aad: Waxa si kedis ah jididka magaalada Hargeysa loogu arkayay dhalinyar la qabqabanayo oo timaha si arxan darro ah lagaga xiirayo suuqyada magaalada dhexdooda.

 

  1. 31kii Diis. M. 19aad: Wasiirka diinta iyo awqaafta ayaa sheegay in aan loo dabbaaldegi karin lana xusi karin sannadka cusub ee miilaadiga. Dhanka kale maalintii xigtay dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladdu waxa ay fasax ka ahaayeen shaqooyikoodii.

 

  1. 1dii Jeen. M. 20aad: Kumannaan arday oo ka soo baxay jaamacadaha dalka ayaa fadhiistay imtixaan ay qaadaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu oo ciddii ku guulaysataa ka shaqayn doonto “Madaxtaabashada Shaqaalaha Dawladda.”

 

  1. 3dii Jeen. M. 22aad: Madaxweyne Muuse ayaa agaasimayaal u magacaabay saddex wasaaradood, laba hay’adood iyo hanti dhowraha guud ee qaranka.

 

  1. 6dii Jeen. M. 25aad: Abbaaro 12kii duhur waxa gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal ka duulay markiisii u horraysay intii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar ku tagay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

  1. 6dii jeen. M. 25aad: Waxa markii ugu horraysay la arkayay Baratakoolka Madaxweynenimada oo wax weyn laga beddelay. Waxa la yareeyay dadkii faraha badnaa ee marka Madaxweyne dhoofayo ama soo degayo tubnaan jiray gegida diyaaradaha. Dhanka kale waxa iyana meesha ka baxday kolanyo gaadiid ah iyo ciidammo tiro badan oo cidhiidhi galin jiray waddoooyinka caasimada. Laakiin mustaqbalka laga dhursugayo joogtaynta arrintan (?).

 

  1. 7dii Jeen. M. 26aad: Salaaddii casar ka dib, waxa la soo dhajiyay imtixaankii laga qaaday dhallinyartii kumannaanka ahayd─saddex iyo labaatan kamid ahina ay ku guulaysteen in ay ka shaqeeyaan “Madaxtaabashada shaqaalaha dawladda’’.

 

  1. 8dii Jeen. M. 27aad: Madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo, ayaa gaadhay magaalada Garoowe, halka Soomaalilaan gudaheeda laga dhursugayay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in uu maamul goboleed u aqoonsado Khaatumo.

 

  1. 8dii Jeen. M. 27aad: Ciidanka Qaranka Soomaalilaand ayaa markii ugu horraysay gudaha u galay deegaanka Tukaraq oo wax ka yar 80Km u jirta magaalo madaxda Buntlaan ee Garoowe.

 

  1. 13kii Jeen. M. 32aad: Madaxweynaha ayaa magacaabay saddex wasaaradood iyo komiishinka Aydhiska u magacaabay agaasimayaal.

 

  1. 13kii Jen, M.32aad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayaa qabtay shir jaraa’id oo ku sheegay in masaajidada Buntlaand gudaheeda ku yaal lagaga baaqayo jihaad ka dhan ah Soomaalilaand.

 

  1. 13kii Jeen. M. 32aad: Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan ayaa madal lagu caleemo saarayay Suldaan ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ayaa goobtaa ka yidhi hadallo aad loo dhibsaday, mararka qaarna u muuqday hadallo bulshada dib ugu celinaysay kala qaybsananaantii ay doorashadu keeentay ee laga soo kabanayay. Arrinkaas ayaa si wada jir ah looga cambaareeyay dal iyo dibadba.

 

  1. 13kii Jeen. M.32aad: Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ayaa hadal uu ka hor jeedinayay golaha wakiilada ka hor intii aan la ansixin waxa uu sheegay, “ In haddii la ansixiyo wasiirnimadiisa ay raadinayaan in wadddanka u helno fure dal (Country code) u gaar ah oo aynnu ka baxno 252-ga aynnu imika sii marno ee Soomaaliya”.

 

  1. 14kii Jeen. M. 33aad: Wasiirka Ciyaaraha ayaa xadhiga ka jaray garoonka kubbadda cagta Cabdi Bile ee magaalada Laascaanood.

 

  1. 14kii Jeen. M. 33aad: Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in la samayn doono xeerka hawl-gabka iyo xaqsiinta ciidamada qaranka.

 

  1. 14kii Jeen. M. 33 aad: “Annaga oo aan cabbudhinayn warbaahinta, waxa aannu ku samayn doonnaa is-beddel weyn iyo soohdin laga tallaabi karin”. Cabdiraxmaan Guribarwaaqo, Wasiirka Warfaafinta.

 

  1. 15kii Jeen. M. 34aad: Madaxweynaha ayaa bulshada rayidka ah kulan kula qaatay xafiiskisa madaxtooyada.

 

  1. 16 Jeen M.35aad: Maalin barqo ah, Madaxweyne Muuse ayaa safarkiisii labaad ku ugu kicitimay Dalka Ethiopia, isaga oo ay la socdaan Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo wasiirro ah.

 

  1. 18 Jeen. M. 37aad: Madaxweyne Muuse ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa orodyahanka caaanka ah Maxamed Faarax, isla markaana xoogaa orod ah kula qaatay barxadda uu ka deggen yahay Hudheelka.

 

  1. 19kii Jeen. M. 38aad: Madaxweynaha Soomaalilaand ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Midowga Yurub uu qaabilsan Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo, oo la sheegay in ay kaga wada hadleen sii xoojinta xidhaadhka Soomaalilaand iyo Midowga Yurub.

 

  1. 20kii Jeen. M. 39aad: Aroornimo Sabti ah, abbaaro 7:30kii subaxnimo, Wasaaradda Caafimaadka ayaa markii ugu horraysay albaabada ka xidhatay shaqaale la sheegay in ay caadaysteen habsan.

 

  1. 20kii Jeen. M. 39 aad: Madaxweyne Muuse ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo arrimo door ah oo ay ka mid ahaayeen nabadgalyada, xaaladda Tukaraq iyo sicir bararka; kana jawaabay su’aalo ay saxaafaddu ku wayddiisay.

 

  1. 20kii Jeen. M. 39aad: Madaxweyne Ismaaciil C. Geelle, ayaa waraysi uu siiyay Cabdisalaan Hereri waxa uu ku sheegay, “In Madaxweyne Muuse yahay nus Jabuuti.’’─yacni nin qayb noloshiisa ka mida ku soo koray Jabuuti.

 

  1. 22kii Jeen. M. 41aad: Madaxweyne-ku-xigeenka Soomaaliland, ayaa markii ugu horraysay gaadhay deegaanka Tukaraq ee colaaddu ka taagan tahay.

 

  1. 22kii Jeen. M. 41aad: Madaxweynaha ayaa ka qayb galay daahfurka barnaamijka “Tayaynta iyo tiro koobka shaqaalaha dawlada”. Mar uu madashaa ka hadlayayna sheegay, “In ay muddo yari uga dhiman tahay waqti ay u qabteen ka soo talo bixinta sicirbararka iyo sidii xal waara─oo aan lab-la-kac ahayn loogu dhammayn lahaa dhibaatadaas soo noqnoqotay”.

 

  1. 22kii Jeen. M. 41aad: Guddoomiya xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa madal uu ka qudbadaynayay ka yidhi, “Waxa la igu yidhi intii uu Muuse Madaxweynaha noqday, habeen ma seexdo ilaa uu Farmaajo la hadlo’’.

 

  1. 22kii Jeen. M. 41aad: Suldaanka guud ee beelaha Soomaalilaand, waa Suldaan Maxamed Cabdiqaadir e, ayaa sheegay in colaadda ka taagan deegaanka Derarwayne, Ceel-af-wayn, ee labada beelood ee walaalaha ah, ay dawladdu ku lug leedahay dagaalka, qolo gaar ahna ay hubaynayso. Inkasta oo saacado ka dib la arkayay in si wada jir ah looga dhaleecaynayay warbaahinta iyo baraha bulshada!.

 

  1. 22kii Jeen, M. 41aad: Madaxweyne-ku-xigeen Saylici ayaa deegaanka Tukaraq ka dhagax-dhigay mashaariic loogu yeedhay qaar horumarineed, daawooyinna gaadhsiiyay. Halka uu Bunlaand ku eedeeyay waxqabad la’aan intii ay meesha joogeen.

 

 

 

W/Q: Guuleed Cali Jabane

 

Jabane.guuleed@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here