“Waxaa la gaadhay wakhtigii Qof kastoo Damiir fayow lihi Uu ka gil-gilan lahaa dheg-xumooyinka dul hoganaya Beesha Sacad Muuse”
Yaa Ka Mas’uul Ah Burburka Dhaqan Ee Ku Habsaday Madax-dhaqmeedka Beesha Sacad Muuse Iyo Kala Qaybsanaanta Ku Timi? W/Q: Xil. Mustafe Sayid Abokor Oo Oo Ka Mid Ah Golaha Deegaanka Gabiley
waxa la gaadhay wakhtigii ceebahan warbaahinta kusoo badanaya iyo kala qabsanaanta baahday ee madax dhaqmeedka Sacad Muuse iyadoo loo baahan yahay dareen damqasho iyo wada dhalasho dhab ah lagu waajaho dhibaatooyinkan.
Waxa la joogaa wakhtigii dusha loo saari lahaa cid kasta oo masuuliyadeeda yeelata ceebahan laga daawanayo shaashadaha warbaahinta dibad iyo gudaba ama meelkastaba ceebahan oo kamarag kacaya sida loo wiiqay wada dhalashadii,midnimadii,iyo wada jirkii beeshu ay lahayd ama loo baahnaa in la xoojiyo.
Waxa lagaaray xiligii miisaanka la saarilahaa hantaaqooyinka & hadimooyinka aynu kala kulanay 5 sano ee xisbiga kulmiye talada inoo hayay sidoo kale waa wakhtigii la is weydiin lahaa Hirdanka siyaasiyiinta beesha ee Siilaanyo dabadii ku hirdamaya murashnimada xisbiga kulmiye oo iyaguna doorka ay kuleeyihiin burburka beesha ay awgeed ugu qooqayaan kursiga ay higsanayaa mustabalka oo ay sii kala dileen itaalkooda ayagoon utudhin cidna suldaan,Caaqil,waayeel,dhalinyar iyo haweenba waana dhab in taariikhdu ay xusi doonto.
Taageeradii Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan S/C/Raxmaan uu si guud oo maslaxadi ku jirto uga hadlay xaalada taagan ee Dalku uu marayo isagoo taageeray go’aankii Komishanka Qaranka &sadexda xisbi Qaran ay ku heshiiyeen iyagoo dhamaan raali ku ah heshiiskaas beeshiisuna ay la qabaan taageerada heshiiskaa loo dhan yahay dibad & gudaba isagoo dhanka kalana uga digay Guurtida & Gudoomiyahoodaba inay soo saaraan wax kasta oo khilaafaya go’aan qaran ee laysla qaatay.
Waxase nusqaan ah in la abaabulo iska horkeenka lasku qaraacayo beeshan S,muuse iyagoon wax lagu qoonsado oo muuqdaana aanu jirin marka aad dhagaysato hadalkiisii ee aan lagaaga sheekaynin ama aanad bawsan balse waxaa marag madoon ah in dadkaasi bawsadeen oo aanay xaqiiqdii dhuuxin waxa uu Suldaanku ka hadlay.
Waxan cadaynayaa madax dhaqmeedku inayna xaq u lahayn ka talinta xaaladaha masayrkaaha siyaasiga ah ee bulshada gabiley sidoo kale Suldaan Ismaaciil waaxubnaha Golaha Guurtida ee dhaxalka ku jooga ahna Suldaanka Guud ee Beesha Jibriil Abokor oo ayana uu Dhaxalka ku helay hadaba wuxuu dayacay xilkii suldaanimada ee beesha isagoo ka doorbiday xilka guurdida oo uu had & jeer u heelan yahay inuu u adeegsado dadkiisa danihiisa gaarka u ah isaga & danaha guurtida uu kamid ka yahay.
Bal isgana sidoo kale Jiif Caaqil Dayib Cabdi Ciidle waxaan ku tilmaamayaa Arday fahmo wanaagsan uu Suldaanku u far qabtay isagoo gacan yare ugu ah qaybinta dheemaalka waxaanay heshiis ku yihiin dano gaara waxaan kusoo gabogabaynayaa in ay ka waantoobaan talaabooyinka ay horseedka ugu yihiin Cuqaasha kale ee G/Gabiley oo ay ixtiraamaan masayrka shacabka ay xilka uhayaan oo sadexda xisbiba ku jira maaha in laga ogolaado sidaa ay udhaqmayaan runtuna waa in layska qabto xataa ka beeshayda oo maalinta loo baahdo looga yeero Arabsiyo isagana waxaan leeyahay waan ku badalayaa muusoow.
Gagabadii waxan ugu baaqayaa waxgaradka,waayeelka,haweenka.dhalinyarada beesha Sacad Muuse waxa jira 19 suldaan oo shaqadoodii soo dhaafay waa in umada laga qabtaa oo aanay sidaydoonaan inoo jihayn.
Dhamaan dhalin yarada gabiley xisbigaad doonto ahawyoo walaalayaal waa in aad aayihiina ka tashataan waayo cid idiin maqani majirto inta aad waxka sugaysaan baan ka mid ahay waxba idiinkuma maqnin xaqiiqdii.
Guurtidana waxaan lee yahay waxba hayskula hadhina itaalkiina waayo umadu waysoo jeedaa oo waa laysa soo gaadhay wixii ka dhacana idinkaa masuuliyadeda iska leh.
Xildhibaan Mustafe Sayid-Xuseen Abokor
Mudane Ka tirsan Golaha Deegaanka ee Deggmada Gabiley
Gabiley, Somaliland
Tell: Tel:0364465205