W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed
Waa Su’aal ka guuxaysa maankaa badi muwaadiniinta reer Somaliland. Una baahan jawaab ka madax banaan muranka siyaasadeed, Ee Waaxyaha qaranka iyo Asxaabta siyaasada. Inta aynaan Guda galin Jawaabta Su’aasha ah Yaa ka Masuul ah qabyada xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer No:20/02/05); Oo ah xeer jira oo dhaqan gal ah laguna soo maamulay Doorashadii 2005 ay ku yimaadeen Xildhibaanada Hada xilka Haya oo ah golihii koowaad ee ku yimaada Codka dadweynaha ee ay yeelato Somaliland. Xeerkan oo ah xeer dhamaystiran oo ka mid ah xeerarka aynu ku maamulno doorashooyinkeena kuwa ugu wanaagsan. Xeerkani waxa uu si cad u sheegayaa Habka Saamiqaybsiga kuraasta golaha Wakiilada Jsl ee ee la filaayo in Dhawaan la soo doorto iyo kuwii hore ee Haatan Xilka hayaba. Hasayeeshe waxa uu laba xaaladood u kala qaaday Habka loo raacayo qaybsiga kuraasta ee labada doorasho ee Gollaha Wakiilada ee Midna aynu soo dhaafnay midna aynu ku wadno in aynu gaadhno Sanadka soo socda. Maadama oo ay kala duwan yihiin xaaladaha ku gadaaman labadan Xili doorasho. Waxa uu xeerku dhigayaa marka uu ka hadlaayo Habka Saamiqaybsiga Kuraasida Golaha Wakiilada waa sidan: Xeerka Doorasha Gollaha Wakiilada Jsl (Xeer No:20/02/05). Qod.12aad saamiga kuraasida:-
Iyadoo mudnanta kowaad la siinayo danta Qaranka ugu jirta awgeed,saamiga kuraasida goboladu ku yeelanayaan oo aan ku saleeyey heshiiskii ay wada jirka ay u gaadheen axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland saamiqaybsigaasi oo ku eeg doorashadan oo kaliya, Doorashooyinka danbena waxaa lagu saleyndoonaa tirakoob dhab oo laga qaado taasi oo cidkastiba tiradooda ay waxku helidonto :-
1.Gobolka Hargeisa 20 kursi
2.Gobolka Togdheerer 15 kursi
3.Gobolka Awdal 13 kursi
4.Gobolka Sanaag 12 kursi
5.Gobolka Sool 12 kursi
- Gobalka Saaxil 10 kurs.
Hadaba Yaa qaranka masuul uga ah ama ay waajibkooda shaqo ay tahay Samaynta TIRAKOOB lagu qaybiyo saamiga kuraasida gobolada. Masuuliyadda cida leh ayaa ka Masuul ah qabyada xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Marka habka shaqo ee waaxyaha qaranka la eegaayo waxa yeelanaya Masuuliyadda Tirakoobka iyo Diwaan galinta muwaadiniinta Waa Waaxda (Fulinta / Xukuumadda ) ay ka kow tahay Wasaarada Arimaha Gudaha. Waxaana halkaas inooga cad in Xukuumaddu ka gaabisay waajibkeedi kaga aadanaa diyaarinta Tirakoob lagu Saleeyo saamiqaybsiga Kuraasida Gobolada Ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Halka ay ka samaysay Diwaangalinta Muwaadinka iyo Diwaangalinta Codbixiyaha.
Wa-billaahi Towfiiq
Qalinkii: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed