Guddoomiyaha Maxakamadda Distooriga Ah Ee JSL Oo Digniin U Diray Jilayaasha Doorashada Ku Loollamaya
“….Dadka halgan shan iyo labtaankaas sanno ku jiray in la isku dhaliilo oo sumcad [credit] aanay lahayn in lasiiyo maaha, sheekadaasina waa mid ina tusaysa in wadadii [Ololaha Doorashada] laga sii leexanayo”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha guddida caddaaladda ahna guddoomiyaha maxakamadda distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo habeen hore khudbad ka jeediyey xaflad ka dhacday magaallada Hargeysa ayaa jilayaasha doorashada iyo guud ahaanba siyaasiyiinta ku loollamaysa saaxadda doorashooyinka uga digay hadallada xanafta iyo shakhsi weerarka ah ee ay warbaahinta isu marinayaan, waxaana uu u soo jeediyey inay xooga saaraan wax kasta oo wanaajin kara in tartanka doorashadu inoo qabsoonto.
“Maadaama oo aynu xilli olole ku jirno oo doorasho si fiican bay maalmo dhawayd inoogu bilaabantay arrintaasi oo si nadiif ah bay murashaxiintu xataa u doodeen laakin ”. ayuu yidhi Md. Aadan Xaaji Cali, “Waxaad moodaa in waddadii laga sii leexanayo, markaa waxaan ugu baaqayaa in dib loogu soo noqdo xeerkii anshaxa ee iyaga laftoodu ay saxeexeen oo dadka loos oo bandhigo wixii iyaga lagu dooranayay” ayuu yidhi guddoomiyaha maxakamadda sare ee JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali. Waxaanu intaa ku daray “Waayo dhawrkii cishee u dembeeyey waxaa aad u soo badanayay is dhaliilid ama is naqdin shakhsi la isu weerarayay, markaa arrintaa markaa halkaas farriin baan ka gudbinayaa maadaama oo ay mas’uuliyad qaran innaga saaran tahay arrintaasi, waxaanan leeyahay axsaabtu xaq bay u leeyihiin inay tartamaan laakin yaan xayndaabka laga gudbin ee waa in garoonka ciyaartu taallo dib loogu soo noqdo”.
Geesta kale Md. Aadan Xaaji Cali Waxaa uu naqdiyey eedaymaha ku saabsan arrimaha Soomaaliya “marka aynu is dhaliilayno yaynaan sumcad siinin dad aan sumcad lahayn [Waayo] waxaan maalmihii ud embeeyey arkayay iyada oo la isku dhaliilayo Soomaaliya ayaa wax ka dembeysa iyo Soomaaliya ayaa cid maalgelinaysa…reerSoomaaliya nabad bay u baahan yihiin oo way dadaalayaan laakiin shan iyo labaatan sanno ayay nabadii ku guulaysan la’ yihiin ee dadka caynkaas ah ee halgan shan iyo labtaankaas sanno ku jira in la isku dhaliilo oo sumcad [credit] aanay lahayn in lasiiyo maaha,markaas sheekadaasi waa mid aan runtii fiicnayn oo ku tusaysa in wadadii laga sii leexanayo ee aynu ka waantawno”. Ayuu guddoomiyaha maxakamadda sare yidhi.