“Yurub Iyo Abu Dubai Baa Loo Laydhsi Tagaa, Dejinta Sicir-Bararkana Lacagta Xaqul-Qalinka Ee Ay Jeebadaha Ku Shubteen Baa Ku Fillayd”Xoghaye Uurcadde

0
37

Hargeysa:(Hubaal)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa ka hadlay eedaha uu wasiirka warfaafinta Somaliland u jeediyo guddoomiye Cirro iyo warwarka uu ka qabo muddo-kordhinta ay guurtidu xukuumadda talada haysa u samayn doonto, isaga oo sidoo kale dhaliilay tallaabooyinka cago-jiidnimada ah ee xukuumaddu sicir-bararka kaga hor tegayso.

uurcade1-475x215

Xoghayaha oo shir jaraaid shalay ku qabtay xarunta xisbigiisa, ayaa ugu horrayn macneeyey sababta uu wasiir Caddaano u dhalilo guddoomiye Cirro, waxana uu xusay inuu doonayo sidii uu kursiga wasiirnimada usii xejisan lahaa.

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo naqdinta guddoomiyahooda uga imanaysa wasiir Caddaani, isaga oo caddeeyey in haddii uu intaas shaqada uu hayo kusoo wadan karayo uu caado ka dhigto dhaliisha Cirro, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Caddaani haddii uu cayda Cirro kursiga ku joogayo waxba kama qabno, waanan soo dhaweynaynaa haddii uu uu kursiga ku joogayo inuu maalin walba caayona waanu kusoo dhaweynaynaa, wixiisuna waa is tus uun.”

Waxa uu farriin cad u diray golaha guurtida Somaliland, waxana uu uga digay inay sameeyaan muddo-kordhin dhaafsiisan muddadii lagu heshiiyey ee ay saddexda xisbi, xukuumada iyo komishanku isku raaceen, “Golaha guurtida waxanu ugu baaqaynaa inay raacaan waxaas lagu heshiiyey ee danta umadda ah oo aanay dantooda gaarka ah eegin, dalkanina burbur buu ku dhaw yahay, muddo-kordhintiisiina way badatay oo inta ay Soomaaliya doorasho gashay waad otahay inta teena la sugayey, adduunkuna wuu inala yaaban yahay”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Xoghaye Uurcadde isaga oo ka hadlaya sicir-bararka dalka ka jira waxa uu sheegay inaanay xukuumadda ka go’nayn inay wax ka qabato, waxana uu dhaliilay safarrada waftiyo badan oo dawladda ka tirsani xilligan ugu baxayaan dalka dibadiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dadka weli riwaayad baa loo dhigayaa, xukuumadduna weli umay soo jeedsan inay sicir bararkii dejiso, laba cisho ayey soo hadal qaaddaa dabadeedna Yurub iyo Abu dubai baa loo laydhsi tagaa, dejinta sicir-bararkana lacagta xaqul-qalinka ee ay jeebadaha ku shubteen baa ku fillayd.”

Hadalka xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, ayaa kusoo beegmaya xilli ay fuli la’yihiin go’aano bulshada muhiim u ahaa oo ay dhawaan soo saartay xukuumaddu, kuwaas oo noqday wax afka uun laga sheego balse laga gaabsaday in awood dawladeed lagu fuliyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here